Wednesday, December 3, 2014

Shariif Xasan oo Maanta loo caleemo saarayo Madaxweyne

shariif xasanBaydhabo(GNA)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Maanta la caleemo saaro.

Wufuud kala duwan ayaa ka qayb-gelaya Caleemo Saarka Madaxweynaha.

Waxa ka mid ah wufuuda maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka wafdi uu horkacayo madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa magaaladaas ku sii jeeda wufuud ka kala socota maamulada Puntland, Jubba, Galmudug iyo qaar kale waxaa sidoo kale maanta laga sugayaa Baydhabo wufuud ka socota beesha caalamka, wakiilka QM ee Somalia Nicholas Kay, iyo qaar ka mid ah safiirada dalalka caalamka u jooga Somalia.
Waxa si weyn loo xoojiyey amaanka guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ay xireen dhamaanba wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Baydhabo iyo wadada ka timaada garoonka dayuuradaha magaaladaas.

Qaban-qaabada xaflada munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ayaa ka socota magaalada Baydhabo, taasoo si rasmi uga bilaaban doonta xarunta ADC maanta saacadu marka ay tahay 12:00 duhurnimo oo wakhti koobani inaga xigo.