Muqdisho(GNA)-Boqolaal qof oo Naafo ah ayaa maanta dibad bax cabasho ah waxa ay ka hor dhigeen afaafka hore ee Xarunta ee Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ee Otto Otto, .
Dadka naafada ah ee dhigayay dibad baxa ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo iska hilmaantay kaalmadii ay ka filayeen, waxa ayna tilmaameen in ay dhibaato xoogan hada heesato.
Dibad baxayaasha Naafadaha ah oo qaarkood Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay heesato xaalad nolol xumo ay ugu horeyso cunto yari, waxa ayna ka dalbadeen Wasaarada Arimaha Gudaha in ay gar gaar lasoo gaarto.
Dadka Naafadaha ee maanta Dibad baxa cabashada ah ka hordhigay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa xayiray mudo daqiiqado ah in la galo ama laga soo baxo Xarunta Wasaarada, waxaana markii dabedibad baxayaasha lagu qanciyay in ay Wasaaradu wax u qaban doonto.