Fadhigii afaraad oo ay mudaneyaashu isugu yimaadaan furitaanka Kal-fadhigooda oo Mooshinku Khal-khaliyey, ayey Mudaneyaashu ku aqbaleen inay waraaqa Mooshinka qaataan, Khamiistana Goluhu ka doodo.
Maaha oo qudha Mooshinka ee waxa Mudaneyaasha fadhiga maanta loogu qaybiyay Ajandaha Kal-fadhiga oo dhamaystiran, waxaana ku jirta Miisaaniyada 2015 ee xukuumadda, Dhaarinta Xildhibaano cusub iyo Mashaariic kale oo sharci.
Halkan ka Daawo:
Mudaneyaasha Baarlamanka ayaa todobaadkii hore kulan qar-qarbo ahaa oo loogu qaybiyay Qaraarka Kalsoonida loogu qaadayo, waxa ay Xildhibaano Golaha ka mid ahi jeex-jeexeen Mooshinka, iyagoo ku doodayay inuu xaaraan yahay. Hase ahaatee labada garab ee Goluhu u kala qaybsanyahay ayaa Maanta aqbalay soo akhrinta Mooshinka.
Khilaaf wali u dhexeeya Madaxda ugu saraysa dawladda oo wajiyo badan yeeshay, ayaa sababay in Reysal-wasaare Cabdiwali iyo xukuumaddiisa Kalsooni loo waydiiyo Baarlamanka si ay meesha uga baxdo ama u sii joogto.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com