Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Saadaasha Hawada, ayaa daboolka ka qaaday in laga cabsi qabo cimilo doorsan sii xoogaysta oo ka dhaca Baddaha waaweyn iyo Kullaaleyaasha Dhulka Xeebaha ee adduunka, siiba Qaarada Ameerika iyo qaybo ka mid ah Yurub.
Madaxda hay’adda dhanka Cimilada u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Abaarihii sanadka ka dhacay Qaarada Ameerika iyo Roobab laxaadle oo ka da’ay qaybo ka mid ah dalalka Yurub iyo Turkigu ay saameyn aan wanaagsanayn ku yeesheen Jawiga Cimilada Caalamka.
Mr, Michael Shoran oo Arbacada maanta Wariyeyaasha la hadlay, waxa uu intaasi raaciyay in sanadkan dabayaaqadiisa iyo ilaa kan soo socda laga dareemi doono adduunka badankiisa isbedel cimilo, iyadoo Kulayl xad-dhaaf ah laga dareemi doono Baddaha waaweyn ee Caalamka.
Dalka Maraykanka ayaa Bishii la soo dhaafay waxa si aad ah looga dareemay isbedel ku yimi Cimilada, taasoo saameyn weyn ku yeelatay wax soosaarkii dhanka wershada, Beeraha iyo adeegyada kaleba.
Aqalka cad ayaa dhowr jeer looga hadlay xumaanshiyaha Jawiga Cimilada, iyadoo madaxweyne Obama uu ku tilmaamay in lala tacaalayo dhibaatooyinka ka dhasha arrintan.