Qareenada Dacwada ku oogaya madaxweynaha Kenya, ayaa badhtamihii sanadkan dalbaday in dhegeysiga Dacwada dib loogu muddo si ay dib ugu soo dhisaan eeddeymaha iyo markhaatyayaasha eedaysanaha ku markhtaai furaya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa loo haystaa inuu ku lug-lahaa qul-qulatooyinkii ka dhashay Doorashadii dalkan ka dhacday sanadkii 2007, taasoo lagu haysto inuu abaabulay rabshadihii Khasaaraha badan geystay iyo xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, hase ahaatee eedeymahaasi waa uu beeniyay Mr. Uhuru.
Mr. Uhuru ayaa dacwada Maxkamadda ku tilmaamay arrin siyaasaddeed, isla markaana ku gacan saydhay dhamaan dacwadaha loo heysto, waxayse qareenada dacwada ku oogayaa sheegeen in intii Kiisku socday la laaluushay qaar ka mid ah dadkii ku markhaati furi lahaa.
Dacwada oo bilaabantay sanadkii 2012-kii, ayaa uu markii ugu dambeysay uu ka qayb-galay Madaxweyne Uhuru. Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo xil haya hortaga Maxkamadda ICC.
Garsooreyaasha Dacwada dhegeysanaya ayaa maanta ku dhawaaqay in dacwadaasi la tirtiri doono hadii qareenada oogayaa usbuuc gudihii ku keeni waayaan caddeymo.
Waxaanay tani u muuqataa mid sababi karta in gabi ahaanba la laalo Kiiska ku socda Madaxweynaha la daalaa dhacaya qulqulatooyinka amni daro ee dalkiisa ka taagan, kuwaasoo saameyn balaadhan ku yeeshay degenaanshiyaha guud ee dalka iyo dadka.
Waxa ay Garsooreyaashu sheegeen inaanay macno samaynayn dacwad iska socota aan dhamaad lahayn, taasoo ay sheegeen inaanay qiimo ku fadhiyin.
Dacwada ku socota Mr. Uhuru ayaa saameyn ku yeelatay xidhiidhkii ka dhexeeyay Hogaamiyeyaasha dalalka afrika iyo Maxkamadda, waxaana horaantii sanadkan si weyn u cambaareeyay cadaalada Maxkamadda Madaxda Ururka IGAD , kuwaasoo tilmaamay in ICC ay tahay Maxkamad loo furtay hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika.
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaan wali isagu aqbalin inuu hortago Maxkamadda oo dacwadi uga socoto.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com