Thursday, December 4, 2014

xukuumada oo xabsiga ka sii daysay xogahayahii xanaanada xoolaha xisbiga waddani

Hargaysa(GNA)- Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Md:Xasan Goodaad ayaa xabsiga laga sii daayay.


Xasan Goodaad ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u hanjabay guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, kaas oo uu ku eedayanayay in uu ka dambeeyo khilaafka golaha wakiilada Somaliland.

Dhawr jeer ayaa la hor keenay maxakamada, waxaana loo tiriyay eedaha loo haysto, hasayeeshee Md:Xasan Goodaad ayaa isagu beeniyay.

Xisbiyada Mucaaradka Ah ee Wadani, UCID iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa cambaareeyay xadhiga Xoghayaha, waxaanay ku tilmaameen in uu yahay aan sharciga waafaqsnayn.

Si kastaba ha
ahaatee xoghayaha ayaa la sii daayay shalay, sidaasna waxa shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyay ilo wareedyo u dhuun daloola.

Xigasho hadhwanaagnews