(GNA)Waxan u barannay ama aan la qabsanay baraaruga in aan ku dadaalno ilaalinta caafimaadkeenna jidhka, innagoo joojinayna sigaar cabbista,
samaynaynana jimicsi badan, iyo inagoo yaraynayna dufanka ku jira cuntadeenna. Sidaa in la mid ah ayeey maskadxada aadanaha u baahan tahay daryeeel cafimaad oo nafsaani ah, hadaba si aan u ilaalino caafimaadka maskada waxaa wanaagsan in aan ka taxadarno qodobadan soo socda:
Barashada taxaderka
Tani waa xirfad qof kasta ay tahay inuu barto. Waxa jira buugaag iyo cajalado badan oo ka hadlaya taxaderka , waxbarashada dadka waa-weeyn waxay qabanqaabisaa fasallo ku saabsan arrintaas. Jimicsi (yoga), baaraandegis (meditation), daliigis (massage) iyo dawo-dhireedyo kale (aromatherapy) dhamaan way caawin karaan is dejinta.
Jimicsiga
Jimcsigu waxuu caawin karaa caafimaadka maskaxda iyo ka jidhkaba.
Waxuu beddeli karaa sida aad nolosha u aragto oo dhan, isagoo kugu caawinaya inaad ka takhalusto dareenada xun-xun. Waxuuna wax wayn ka bedeli karaa dadka qaba isku buuqsanaanta, niyad-jabka iyo is-naca. Waxay kaloo kaa caawin kartaa inay joojiso asal ahaan in dhibaato ay bilaabato.
Barashada sida loola tacaalo xaaladaha adag
Dadka laga faa’iidaysto, ama sida xun loola tacaamulo, badanaa way ku adag tahay inay doodaan. Waxa laga yaabaa inay door bidaan inay dhibatada iska qarsadaan, balse caro la buuxsamaan , taasoo keenaysa deganaan la’aan iyo isku buuqsanaan. dulqaadka badan iyo dhiirranaanta waxay wanaajin kartaa kartida qofka.
Hadaf yeelashada
Tani waa ka fakaridda siyaabaha lagu hormarin karo nolosha. Dadku waxay u baahan yihiin inay is waydiiyaan, sidee baan jeclaan lahaa inay hadafkeeyga in uu noqdo tobanka sano socda? Waa maxay isbaddellada yaryar ee aan hada aan bilaabi karo? waxa suuro gal ah in nolosha laga sameeyo isbeddallo wanaagsan, in ay adag yihiin ha u muuqdeen.
Dareenka oo la muujiyo
Dareenkeenna oo aan u muujinno si xanaaq ah oo aan ooyno ama aan qeeylino waxay naga caawisaa inaan ka soo kabsanno dhibaatooyin aan soo wajahday. Isku cabburinta dareenka iyo qiirooyinkaaga waxay keeni kartaa daal dhalin kara degganaan la’aan iyo isku buuqsanaan.
Wajahidda dhibaatooyinka
dadka marka arrimuhu ka khaldamaan aad beey kaga cawdaan waxayna iska dhaadhiciyaan inay dhibka is illawsiiyaan ayna rajeeyaan inay dhammaan doonto. Taasi inaysan dhicin baa la arkaa. Caadi ahaan markay xallinta dhibaatada hore u bilaabaanba way ka fududdahay xal u heliddeedu.
Helista qof lala sheekaysto
Talooyinka halkan lagu bixiyay intooda badani way fudud yihiin in la raaco haddii uu jiro qof si furan oo daacadnimo ah loola sheekaysto. Waxuu noqon karaa saaxiib, ama waxaaba anfici karta in lala kulmo dad kale oo xaalddaas oo kale ku sugan, oo is kaashada ama koox la caawiyo. La taliyayaal iyo dhakhaatiirta maskaxda waxa si gaar ah loogu tabobaray inay dadka ka caawiyaan inay naftooda si fiican u fahmaan ayna ka adkaadaan dhibaatooyinka nolosha.
ugu dambeeyntii waxaa wanaagsan qofka in uu muujiyo daganaan marka ay soo wajahaan xaalado adag iyo in uu alle talaada saarto isla mar ahaantana uu salaada ku dadaalo maxaa yeelay iimaanka oo la adkeeyo waxa uu dawo u yahay caafimaadka ruuxda mid maskaxeed iyo mid jireedba insha’alah.