Saturday, December 20, 2014

Hay’adda NASA oo shaacisay in ay heshay shax kale oo meerayaal ah (Another Solar System)

4(GNA)Hay’ada hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa shaaca ka qaaday inay heshay meero cusub oo ku dhawdhaw dhulka oo kale.



 



Meerahan oo kamid ah shax kale oo meerayaal ah (Another Solar System) oo ku wareegaya xidig kale oo aan ahayn cad ceedeena ayay ugu magac bixiyeen Kepler-186f.



 



Culimada NASA waxay sheegeen in meerahan oo dhulkeena u jira masaafad 4,730,365,236,290,400KM ahi, kuu cadceeda u jiro meel ku dhaw masaafada uu dhilmeenu u jiro cadceeda, sidoo kale le’eg yahay balac ahaan dhulkeena.



 



Meerahan Kepler-186f oo wali aan la xaqiijin in uu leeyahay biyo fadhiya ayay sheegeen in hadii uu leeyahay bado sida dhulkeena oo kale ahina aanay mibadka buluuga ahayn oo ay cadaati yihiin, maadaamoo mibadka uu bixinayaa uu sidaas yahay.



 



Meerahan oo ay ku sheegeen in aanu ahayn ‘Mataanka Dhukeena’ e uu yahay ama la odhan karo ‘Inaadeerkii’ ayay sheegeen inay ku tuhun san yihiin inay nafi ku nooshahay, maadaaama oo uu meerayaasha xadidka balaca dhulkoo kale lahi ay ka samaysan yihiin dhagaxaanta dhulkeena oo kale ah.