,waan ogahay in dad badani ay igu naceen adeegsiga Quraanka, waayo quraanku shayaadiinta uu gubaa.
,shaydaanku maaha oo kaliya kan iblayska ah ee waxa jira mid insi siduu ilaahay sheegay,,markaa dadka runta iyo horumarka diidani ma ogala adeegsiga Quraanka,,, wasiir samaale oo si maldahan u weeraray siyaasiyiinta mucaaridka.
Hargaysa( GNA). wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland, sheikh Cabdi casiis maxamed Samale ayaa si maldahan ugu Aayado quraana ugu weeraray siyaasiyiinta mucaaridka Somaliland,oo uu sheegay in aanay jeclayn korodhka iyo horumarka miisaaniyada uu ku sheegay in xukuumada siilaanyo iyo wasaaradiisu ay horumar ka gaadheen waxaanu sheegay in asxaabta mucaaradku ay isaga kula coloobeen adeegsiga Aayadaha Quraanka waxaanu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayay munaasibad lagu furaayay dhismaha cusub ee wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland,
wasiir samaale oo ugu horayn ka hadlaaya kor u kaca miisaaniyada sannada 2014ka ayaa yidhi sidan.
,walaahi markii aanu dejinayna miisaaniyada bishii Sagaalaad waxaanu ka qabnay walaac xoogan laakiin anagoo ilaahay kashanayna waxaanu bishii tobnaadba dejinay dakhligii miisaaniyada markaasaanu wali miisaaniyada badan ku darnay kharashka miisaniyada,, waa arintaa waxa lanagu haystaa oo maxay noogu haystaan maxaad u kordhiseen miisaaniyada, marka kuwii horena ay soo baxday dakhligii ay cunisjireen ayay waxay leeyahiin maxaad u kordhisen kuwa dabna waxay ogyahiin in aanay gaadhsiin karani halkaanu gaadhnay, waa arintaa waxa lanagu haystaa,laakiin waxaanu leenahay ma joojindoono.
geesta kalana waxa uu wasiir samaale ka hadlay in asxaabta siyaasada Somaliland ,ay isagab kula coloobeen adeegsiga Aayadaha Quraanka oo inta badan adeegsado waxaanu yidhi,
,waan ogahay in dad badani ay aniga igu naceen adeegsiga Quraanka waayo quraanku wuxuu gubaa shaydaanka shaydaankuna maaha kana Iblayska ee waxa jira mid Insi siduu ilaahay sheegay.
si kastaba ahaatee hadalka wasiir samaale ayaa laga dareemaayay mid si toosa ugu socday xisbiyada mucaaridka oo inta badan dhaliila siyaasadiisa.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com/office