Madaxweyne Siilaanyo oo Dawladda Isu-taga Carabta u diray oo Hambalyo ku aadan Mideyntii Imaraadaha iyo Dareen fog oo uga iftiimiy xeel-dheereyaasha Siyaasadda
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Dawladda Isu-taga imaaraadka Carabta u diray dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan , sanad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) midayntii Imaaraadka Carabta oo ku beegan Kowda Bisha December oo shalay ahayd.
War-murtiyeed kooban oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland Maanta, ayuu ku sheegay madaxweyne Siilaanyo in Shacbiga iyo dawladda Somaliland dareen ahaan la wadaagaan walaalohooda Isu-taga Carabta dabaal-dega sanadkan.
Madaxweynaha ayaa dhambaalka hambalyada si toos ah ugu hagaajiyay Madaxweynaha Isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan, waxaanu dadka dalkaas ugu duceeyey horumar iyo Barwaaqo sooran.
Beyaanka ayaa lagu yidhi: “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Isu-taga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) midayntii Imaaraadka Carabta awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Madaxweynaha Isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-taga Imaaraadka carabta iyo Madaxdiisaba Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,”.
Dhambaalka Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyey midowgii Imaaradaha Carabta oo ah kii ugu horeeyey ee uu kaga hadlo qadiyadan tan iyo markii Kursiga loo doortay sanadkii 2010, ayaa xambaarsan duluc sida loo arko ka micno iyo Miisaan weyn dareenka uu ku muujiyay.
Inkasta oo ay jiraan xidhiidh wanaagsan oo sanadihii u dambeeyay u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta, kaasoo aan ahayn mid ku dhisan Xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay labada dhinac wadaagaan, balse inta la ogyahay ku xadidan Kaalmada ay AUE siiso Somaliland, hadana waxa jira dareen ka qoto-dheer inta la ogyahay,taasoo ku saabsan la dhacsanaanta Siilaanyo ee qaabka ay u midoobeen Shanta Imaaradood ee Carabtu.
Qaabkan midowga isu-taga Carabtu ku dhisanyahay ayaa Bulshada Caalamku u soo bandhigtay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya inay isugu keenaan Dawladaha hada kala madaxbanaan ee ay madaxda ka yihiin.
Sida lagu sheegay Daraasad dhawaan soo baxday oo laga diyaariyay Mustaqbalka dalka Soomaaliya, inkasta oo aan lagu caddeyn inay labada madaxweyne aqbaleen lixda nidaam ee Midnimada soomaaliya lagaga talo-bixiyay, hadana waxaan mugdi ku jirin inay kaal iyo Kala-dheeri isku yihiin istaraatiijiyadaha dunidu dhiiri gelinayso ee ay wada hadleen Xasan Sheikh iyo Axmed Siilaanyo iyo Qadiyadaha kala fog ee Gobolka ka jira.
Hadaba Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda qaarkood, ayaa Hambalyada Madaxweyne Siilaanyo u diray Isu-taga Imaaraadka Carabka, u tafsiiraya inay ka turjumayso Taageero uu u hayo Nidaam noocan ah oo uu dalkiisu kula Midoobo Koonfurta Soomaaliya. Waxaana lays weydiinayaa, Hadii aanay ujeedadu, nuxurka ay xambaarsantahay ama ku dhalatay Tahniyada uu u dirayo waddankan aan aqoonsayan Qaddiyada 23 Jirsatay ee ah Madaxbanaanida waddankiisa.
Mucaawimooyinka iyo Mashaariicdan maal-gashi oo ah kuwo faro ku tirisa, ayaa qayb ka ah tartanka Wadamada Caalamka ee leh danaha Dhaqaale ee Gobolku ugu tartamayaan Maal-gashiga iyo taageerada Soomaaliya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com