“saddex jeer ayaa tabashada Awdal la hordhigay M. Siilaanyo”Xildh. Axmed-yaasiin
Maxaa laga saadaalin karaa Safarka Shuruudduhu hor-yaal ee Madaxweyne ku-xigeenka?
Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka tirsan Xildhibaanada Wakiilada, ayaa sheegay in Tabashada Bulshada reer Awdal ay tahay mid aan daaha la saari Karin oo xaqiiqada ku salaysan.
Axmed-yaasiin Sheikh Cali Ayaanle oo Shalay Warbaahinta la hadlay, xilli aan wali xal waara laga gaadhin xiisadda siyaasaddeed ee Gobolka Awdal, ayaa sheegay in Mujtamaca Awdal u baahanyihiin Cadaalad iyo in si turxaan la’aan ah looga jawaabo tabashadooda, aanse loo fadhiyin in Ciidan la dul-dhigo.
Mudane Axmed-yaasiin oo hore uga ka tirsanaa Xisbigii bur-buray UDUB, balse sanadkan horaantiisii Shidhka Madaxtooyada galay, hadase aad moodo inuu ka damqaday jawaabta guracan ee ay xukuumaddu ka bixisay xumad-wareerka tabasho ee Bulshada Gobolka laga soo doortay, ayaa sidoo kale cambaareeyay xadhiga Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama iyo hadal Wasiirka Gaashaan-dhiga ka soo yeedhay oo ku saabsanaa ciidamada la geeyay Gobolka.
Waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay inaan Mushtamaca u iftiimiyo tabashada reer Awdal halkay ku salaysan tahay, haddaan dib ugu noqdo tabashadaas intii Somaliland jirtayba Reer Awdal wax wey tabanayeen oo mar walba Bani’aadamka waxbaa ka dhiman. Hase ahaatee markii ay sii badatay ee Dadku iyagoo Wefti ah Xukumadda u imanayeen ee ay lahaayeen kolba waxan baanu qabnaa waxay ahayd intii Xukumaddani Kulmiye talada qabatay.
Cabashadii u horaysay waxaa Madaxweynaha loo gudbiyay 2011-kii bishii 4-aad, waxaa u gudbiyay Xildhibaanada labada Gole ee Awdal ka soo jeeda,lagamana jawaabin. Tabashaduna maaha wax malo awaal ah ee waa tabasho si cilmiyeysan loo qoray oo Madaxweynaha loo gudbiyay. 2012-ka Bishii November ayaanu haddana mar kale tabashadii saxaafadda u marinay Madaxweynaha, isla Bishaa Madaxweynuhu Boorama ayuu yimid oo Odayaasha oo uu la kulmay ayaa yidhi Tabashadaas baanu qabnaa.”ayuu yidhi.
Xildhibaanka oo ka hadlayay Ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay Gobolka ayaa yidhi “Waxa Qalin inaad ku qorto u baahan maxaa keenay in Qori caaradii aad ku suuliso. Waxaan leeyahay Dalkan Xikmad ha lagu maamulo, Somaliland reer Awdal waxay ka yihiin iyo Lexejecladooda halkay kaga jirto waa la yaqaane.Maalintii dhaweyd ee aanu ka baxnay Mooshinkii Golaha wakiilada ee Somaliland oo dhami noo hambalyaynaysay, Kuwa Bullooyinka u dhaw Jigjiga jooga ayaa igu lahaa Qaranimo ayaad badbaadiseen, waar Gadabuursiga Itoobiya jooga ayaa Qaranimo u yaqaan Somaliland ee yaan been la isku sheegin”.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo daba socda hadal Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami uu ku difaacay joogitaanka Ciidanka dheeraadka ah ee Awdal, ayaa sheegay inaan Ciidanka Qaranka laga xigin reer Awdal, isla markaana Askarta ka soo jeeda gobolkaas ee ciidanka ku jiraa maalin kasta ku dhintaan Faranta Dagaal ee Gobollada Bariga Somaliland.
“Wasiir Caddami waxaan leeyahay Ciidanka qaranku waa Ciidankayagii maalinkasta Inan Reer Boorama ah ayaa ku soo dhinta Qorilugud ama Kalshaale ama Gambadha, Dhiigayagii iyo dadkayagii weeye Ciidanka qaranku ee Colaad ha noo galin ee gee halka looga baahan yahay.Ciidan uma Baahna Boorama ee Caddaalad bay u baahan tahay ee Ciidanka halka looga baahan yahay gee Wasiir” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Axmed-yaasiin waxa kale oo uu Cambaareeyay Xadhiga Xildhibaanada Golaha degaanka Boorama, kaasoo inay ka dambeeyaan lagu xidhiidhiyay xubnaha Wasiirrada ah ee ay Xukuumaddu u dirtay shaqaaqada gobolkaas ka aloonsan “Waxaan aad u cambaaraynayaa Xadhiga Xildhibaanadii Golaha degaanka ee Boorama lagula kacay. Xasaanad bay leeyihiin oo waa Xildhibaano dad doortay, haddii la ilaaliyo Xisaanadda Xildhibaanka degaanka, Sharafta iyo Karaamada Madaxweynuhuna way ilaashamaysaa.xadhigaasi waa Qayrul sharci, Waa qayrul Dastuuri oo dastuurkaa la jabiyay Marka XIldhibaanadaas la xidhay , markaa waxaan doonayaa in si degdeg ah loo sii daayo wixii sharci daradaas fuliyayna lala xisaabtamo”ayuu yidhi
Geesta kale waxa uu Xildhibaan Axmed Yaasiin soo jeediyay in hadalka qalafsan ee ka soo yeedhay Suldaanka falaagoobay loo dhaafo bulshada Gobolka ee aan qadiyada Qarannimada ku gefin. Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Haddii Suldaan qaldamay Tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro gadoodayna Oday dejiya ayay leeyihiin, waxaad arkayseen Odayaashii, Mutacalinkii,waxgaradkii oo dadkooda nabada kala hadlaya oo ilaashanaya, haddana ilaa hadda Boorama inta shacbi joogta Ciidankaa ka badan”.
Hadalka Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheikh Cali Ayaanle, ayaa ku soo aaday maalin uun kaddib markii uu Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Prof. Salebaan Axmed Guuleed uu daboolka ka qaaday inay bulshada reer Awdal ay qawadsanaayeen doorka ama saamiga siyaasaddeed ee ay dalka ku leeyihiin teer iyo markii gooni-isutaaga lagu dhawaaqay.
Prof. Saleeban Axmed Guuleed oo ka hadlay meesha uu ka jiro qaladka dhinaca saami qaybsiga ee ay Gobol ahaan tebayaan ayaa sheegay in waxa qaloocdeen markii ugu horeysay ee ay Beelaha dhexe ku shireen Magaalada Bali-gubadle, isla markaan ay ku heshiiyeen inay ardaayo wax ku qaybsadaan, xilligaasoo buu yidhi Beelaha darifyada aan lagu darsan qorshaha, kaddibna sannadkii 1991-kii shirkii ka dhacay Magaalada Burco lagu ansixiyay heshiiskii Baleygubadle.
Prof: Suleiman ayaa intaasi ku daray in dastuurka Somaliland-na uu hashiiskaa ka dhigtay tixraac “dastuurka laftiisa heshiiskaasi ayaa lagu saleeyay oo isku dheelitirkii meesha ka maqan yahay illaa hadda.”ayuu yidhi Prof. Guuleed.
Hadaba, iyadoo xudunta xaaladda Gobolka ay qaabkan uga hadleen Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka mid ah Mudanka Bulshada reer Somaliland iyo xildhibaan Axmed-yaasiin Sheikh Cali Ayaanle, oo ka mid ah Siyaasiyiinta aadka looga ixtiraamo Gobolka, ayaa waxa maalintii shalay Magaalaada Boorama gaadhay wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somalilanad Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.
Safarka uu madaxweyne ku xigeenku ku tagay magaalada Borama oo qayb ka noqon doona gulufka Xukuumaddu ku dejinayso, waxa uu ku soo beegmayaa xilli sida muuqata ay si tartiib tartiib ah u qarxayso xudunta tabashada kacdoonka abuurtay ee Shacbiga Gobolka.
Madaxwayne ku xigeenka, ayaa markii gaadhay magaalada Borama waxa uu sheegay in ujeedada safarkiisu ku qotonto dar-dar gelinta hawlihii ay wasiiradu in muddo ah u joogeen magaalada Borama.
Md. Saylici ayaa sheegay in cullimada, aqoonyahanka iyo Salaadiintu ay wadatashi ka yeellan doonaan wixii khilaaf ah ee jira isla markaana aan xilligan loo baahnayn in laga shaqeeyo khilaaf iyo cunfi.
Lama saadaalin karo waxa uu ka bedeli doono xaajadda wali cakiran ee ka Gobolka Awdal Safarka madaxwayne ku xigeenku ku tagay Boorama, hase ahaatee waxa uu imanayaa xilli aanay xukuumaddu dhankeeda illaa hadda fulin shuruudii ay salaadiinta gobolku ku xidheen xukuumadda ee ahayd in ciiddanka laga qaado magalaada Boorama, islamarkaana si degdeg ah loo sii daayo dhalinyartii iyo xildhibaanadii xadhiga lagula kacay.
Waxaanay dadka reer Boorama su’aal iska waydiinayaa qaabka ay madaxweyne ku xigeenka iyo salaadiintu ay isugu afgaran doonaan soo af jarridda xaaladda gobolka Awdal iyadoo uu wali jiro culaysku.
Si kastaba ha ahaatee cilad saarista tashuushka Siyaasaddeed ee Gobolka Awdal oo aan ahayn markii ugu horaysay ee ay sida duufaanta mar qudha hawadda isku shareertay, ayaa doorkan ku jirta meel Liggan ah oo ay xataa aad u kagantahay qaabka looga garnaqi karaa, waxaana duurka ku jira Madaxdhaqameed miisaan lahaa oo hadal fool xumi ka duulay iyo dad kale oo taageersan. Waxa kale oo ay xiisaddani saameyn ku yeelatay wadamada jaarka ee xidhiidhka wanaagsani ka dhexeeyay Somaliland oo laftoodu laga yaabo inay ka walaacsan yihiin habka ay Xukuumadda Siilaanyo uga fal-celisay xurgufta siyaasaddeed.