Friday, December 19, 2014

Suldaan Xiirey Oo Dhaliiilay Hadalo Guddida Beesha Sacad Muuse Ay Ku Sheegeen Inay Doorteen Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye U Tartami Doona

 



“Salaadiinta Hadashay Sharaf Ayey Iga Mudan Yihiin Aniga  Laakiin Waxaan U Soo Jeedinayaa Arinta Siyaasadda Ka Noqda Oo U Daaya Xisbiga Kulmiye “Suldaan Xiirey  



 Suldaan (Gobanimonews)18-12-2014- Yuusuf Muxumed Xiirey, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan qaarka mid ah Salaadiinta iyo Xubno guddi Beesha Sacad Muuse ee deegaanka Waqooyiga Hargeysa ka soo jeeda, ay ku sheegeen inay Xisbiga Kulmiye u xuleen Murashaxa Doorashadda Madaxweynaha ee Kaldambe, hadalkaasi oo Suldaan Xiiray uu ku tilmaamay arin aan habooneyn oo Axsaabta qaranka lagu faro gelinaayo aanu ka dalbaday Madaxda Xisbiga Kulmie inay arintaasi ka hadlaan.



Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, waxa uu Xisbiga Kulmiye ka codsaday inay cadeeyaan in Xisbigooda iyo Golahiisa dhexe ay xaq u leeyihiin inay Murashaxa Madaxweynaha iyagu xaq u leeyihiin sida Axsaabta kale qaranka inay ku dhawaaqaan cida u murashax ah iyo inay xisbigaasi reer gaar ahi iska leeyihiin oo uu u xidhan yahay waxana uu dhinaca kale Suldaan  Xiiray ka hadlay xaaladda gobolka Awdal ee Suldaan Warar taasi oo uu  Xukuumadda u soo jeeidyey in loo daayo salaadiinta deegaankaasi ee hawsha gacanta ku haysa.



Suldaan Xiirey oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan waxyar ka idhaahdo arinta Murashaxnimadda Xisbiga Kulmiye ee Madaxweynenimadda oo ay ka hadleen Odayaal reer Hargeysa oo yidhi waxaanu kala reebaynaa Murashixiin,waxaan ka hadlayaa fikirka aan arintaasi ka qabo anigu kaasi oo ah horta bal in la ogaado sababta loo sameystay  Xisbiyadda Axsaabta qaranka oo ah in lagaga baxo Qabiilka iyo Qabyaaladda oo qof kasta oo reer Somaliland ah oo wax dooranaaya ama la dooranayaa si uu axsaabtaasi qaran ugu kala biiro,



Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka hadlaayey u jeedada Axsaabta qaranka loo sameeyey  Xisbiga Kulmiye in loo siman yahay waxa uu yidhi “Marka ay sidaasi tahay Axsaabta qaranka ama Xisbiga Kulmiye qolo maaha ee qaranka iyo shacabka reer Somaliland ayaa wada leh waxa weeye Xisbiga Kulmiye-na reer malaha ee waa Xisbi qaran oo umaddu wada leedahay kaasi oo umadda reer Somaliland ka dhexeeya oo wada leedahay mid galbeed jooga iyo mid bari joogaaba mid Waqooyi jooga iyo mid hawd jooga ay wada leeyihiin weeye waana sida aan anigu u arko weeye ee xisbiga Kulmiye  qolo maleh shaqsi ma leh oo kooxi ma leh”



Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Axsaabta qaranka waa wax qaranku wada leeyahay waxana awooda siiyey Distoorka Somaliland iyo Qawaaniintooda iyo xeer hoosaadkooda waxana awood u leh inay xusho musharaxa Madaxweynaha ee Xisbi kasta golaha dhexe ee xisbigaasi iyada oo cid kasta oo reer Somaliland ahi ay iska soo sharixi karta raga maanta u taagan iyo kuwa kaleba, waxaan leeyahay arintaasi xisbiga Kulmiye meel ka dhac ayey ku tahay waxanan u soo jeedinayaa inay Xisbiga Kulmiye arintaasi si toosa uga hadlaan oo ay sharaxaan in arinta Murashaxa Kulmiye golaha dhexe xisbigaasi leeyahay iyo inay beeli leedahay  taas haysku yimaado oo bulshadda Somaliland isagu haw cadeeyo oo qodobka si cad  hawgu sheegaan Kulmiye hadii ay Axsaabtu beelo tahayna bulshadda ha loosheego,in badan ayaa laga hadla oo arinta madexweynenimadu way ka weyn tahay golaha deegaanka, baarlamaanka oo madaxweynuhu waa nin qaranka Somaliland hogaaminaaya oo gobol degmo iyo meel kasta oo Somaliland ah cod ayuu ka doonayaa, waayo gobol-na kuma fila Qabiila kuma fila ee waxa uu inay u wada codeeyaan doonayaa qaranka Somaliland oo dhan oo Axsaabta qaranka xisbi kasta nin kasta oo u murashax ahi qaranka Somaliland oo dhan ayuu codka ka wada rabaa , marka Salaadiinta hadashay sharaf ayey iga mudan yihiin aniga  waxaan u soo jeedinayaa laakiin arinta Siyaasadda ka noqda oo u daaya Xisbiga Kulmiye waayo Salaadiintu rag iyo dumar Xisbiyadda UCID, Kulmiye iyo Waddani kay ku jiraan iyo ka aan intaa midna ku jirin ee qurbaha iyo dalka dibadiisa joogaba  mid kasta waa u suldaan, waxaanan ku soo ururinlahaa in laga ilaaliyo wax kasta oo waxyeelo iyo burbur ku keeni kara Axsaabta qaranka ee la wada leeyahay”



Afhayeen Suldaan (Xiirey) ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray shaqaaqadda Boorama ka taagan oo uu xukuumadda kula taliyey inay uga dambeyso madax dhaqameedka reer Awdal  ee Suldaanka cadhooday la iyagu isku xilqaamay inay la xaajoodaan “Arinta Suldaan Wabar hore ayaan uga hadlay oo waanigii idhi qarankaaga xaal sii imikana waxaan soo jeedinayaa maadaama oo ay madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii gobolka Awdal ay hawshii gacanta ku hayso maadama oo ay iyagu madax dhaqameedkii iyo marjicii yihiin waxa fiican in iyaga loo daayo oo loo daba fadhiisto arinta oo wixii caadifad ah laga ilaaliyo ayaan ka codsan lahaa Xukuumadda iyo cid kasta oo arintaasi quseyso waxanan odhanlahaa oo u jeedinlahaa dadka deegaankaasi waa inay nabadooda iyo qaranimadooda wada ilaashadaan oo dhawraan”



Wariye: Cabdiwali Cali Ismaaciil



Abdiwali1991@mgail.com



Gobanimonews/Hargeysa Head Office/Somaliland