Thursday, December 18, 2014

Saylici oo soo gaadhay Borama iyo Su'aal la iska waydiinayo qaabka uu u xallindoono xaaladda gobolka Awdal.

Safarka uu madaxweyne ku xigeenku ku tagay magaalada Borama ayaa qayb ka noqonaya safaradii hore ee wasiiro ka tirsan xukuumaddu ku joogeen magaalada Borama si loosoo af jaro xaaladda gobolka Awdal.Madaxweyne ku xigeenka ayaa  waxa duleedka magaalada Borama kusoo dhaweeyay waftigii wasiirada ahaa ee indhawaaleba ku sugnaa magaalada Borama.



kadib markii madaxwayne ku xigeenku soo gaadhay magaalada Borama waxa uu sheegay ujeedada uu safarkiisu ku qotomo wuxuna hoosta ka xariiqay  in safarkiisu yahay mid qaran oo lasii dardar galinayo hawlihii ay wasiiradu in muddo ah u joogeen magaalada Borama, Saylici ayaa sheegay in culumada, aqoonyahanka iyo salaadiintu ay wadatashi ka yeelan doonaan wixii khilaaf ah ee jira isla markaana aan xilligan loo baahnay in laga shaqeeyo khilaaf iyo cunfi.



Waftigan uu madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo ee kusugan Borama ayaa noqonaya waftigii ugu ballaadhnaa ee soo gaadha Borama si loosoo afjaro xaaladda gobolka Awdal. Safarka madaxwayne ku xigeenku ku joogo Borama ayaan la saadaalin doonin inuu wax ka badali karo xaaladda gobolka Awdal  iyo inkale,.



inkastoo xukuumaddu dhankeeda illaa hadda aynan fulin shuruudii ay salaadiinta gobolku ku xireen xukuumadda ee ahayd in ciiddanka laga qaado magalaada islamarkaana si degdeg ah loo sii daayo dhalinyartii iyo xildhibaanadii xadhiga lagula kacay, hadana waxa su’aal la iska waydiinayaa qaabka madaxweyne ku xigeenka iyo salaadiintu ay isugu afgaran doonaan so af jarridda xaaladda gobolka Awdal iyadoo ciidanku illaa hadda raxan raxan u dhex wareegayaan magaalada gudaheeda.



Dadka la socda safarka madaxwayne ku xigeenka  ayaa qaba in xaaladdu sidii hore ka wanaagsaan doonto,mar haddii masuulkii ugu sareeyay xukuumadda ee kasoo jeeda gobolku uu arintan soo faro faliyay,walaw mucaaridka iyo dadka naqdiya siyaasadda kulmiye qabaan in suldaan wabar aan si fudud loo qancin doonin marka loo eego hadaladii isxigay ee uu ku duray xukuumadd.



Mursal Elmi



Gobanimonews