Monday, December 1, 2014

Mudaharaad ka socda Borama iyo Suxufiyiin xabsiga loo taxaabay.



Mudaharaadkan ayaa bilaabmay abbaaro 10:30 saaka, waxa uu mudaraadkani ka dhashay kadib markii shalay galabtii xabsiga loo taxaabay maayarkii hore ee Borama c/raxmaan shide Bile, lama oga sababta rasmi ah ee loo xidhay lakin wararka hoose ayaa qaarkood sheegayaan in isaga iyo suldaan Abokor cilmi Wabar lagu dabo joogay muddooyinkan.

Dhalinyar gadoodsan ayaa waxay faras magaalaha Borama ku dhex shidayaan taayirro badan isla markaana waxay ku dhawaaqayaan haddalo ka dhan ah xukuumadda.

ciidanka booliska ayaa dhankooda wada dadaal kasta oo ay ku kala kaxaynayaaan dhalinyartan inkastoo illaa haatan aynan ka gaadhin waxa horumar ah. sidoo kale ciidanka ayaa waxay xabsiga u taxaabeen labo suxufi oo ka kala shaqeeya shabakadda Boramanews iyo Tv-ga bulsho faraciisa Borama,  suxufiyiintan ayaa lasoo qabtay iyagoo gudanaya hawl maalmeedkooda.

 

lama oga meesha uu sal dhigan doono mudahaarkan iyo qaabka uu maamulka gobolka uga jawaabi doon, waxase dad badan oo la hadlay Gobanimonews sheegeen in arintani tahay cabudhin iyo cago juglayn cusub oo loola soo baxay reer Awdal.

Mursal Elmi 

Gobanimonews