Monday, November 3, 2014

Xumad isku-shaandheyneed oo Wasiirro Takoornaa Ku Khasabtay Inay kawaanka iska durkiyaan

Siilaanyo cadhaysanHargeysa(GNA)- Wasiiro, xubno ka mid ah, Madaxda hay’adaha madaxbanaan ee Dawladda iyo Xildhibaano Sabtidii toddobaadkan qabtay Shir Saxaafeed ay Xukuumadda ku difaacayaan, ayaa ujeeddada kulan-Saxaafadeedkooda waxa lagu fasiray inuu ahaa mid u khaas ah oo ay iskaga baraxayeen tuhunno iyo Shaki ku xidhiidhinaya inay Siyaasadoodu u jan-jeedho dhinaca Mucaaridka, oo Muxaafid-nimadoodu aanay dhuunta dhaafsiisnayn.

Isbahaysiga kooxdan Siyaasaddooda garabka bidix lagu xidhiidhiyo, ayaa inkastoo Shirkooda Jaraa’id kusoo beegmay Xaalad munaasib ah oo intay awoodii karayeen difaaca Xukuumadda aanay u yaraysan, hadana siday Wargayska Yool u sheegeen ilo u dhuun-daloola Madbakha lagu soo kariyo Siyaasada Somaliland aanu hadalkoodu ahayn mid salka ku haya khilaaf iyo cunfi Siyaasadeed cusub oo markale ka dhex-qarxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, balse ujeeddadiisu ay ku ekayd Mas iyo Daqiiq midkay doonto ha ula gashee inay is cadeeyaan, isla markaana meel ku tiiriyaan Nux-nuxda iyo xan-qarsiga ka haysta Xukuumadda iyo Xisbigooda dhexdiisa.

Geesta kale inkastoo sida iluhu tibaaxeen difaacii siyaasaddeed Kooxdan lagu Shaybaadhayey aanu noqon mid madaxtooyadu ku diirsatay, hadana waxa la xaawilayaa in tallaabada yar ee ay dhinaca Midig u qaadeen ay waxoogaa ka dejiso xaraarada ku kacsan, sidoo kalena uu u noqdo taag ay ku nastaan oo ay kaga badbaadaan isku Shaan-dhayn kooban oo lagu wado inuu Madaxweyne Siilaanyo si dhakhso ah ugu sameeyo Golaha Xukuumaddiisa, kaasoo sida Warka lagu sheegay ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxdan buste miskiinka u huwatay, isuna muujiyay gaashanka xukuumadda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Wershadaha, Xanaanada Xoolaha, Cadaalada, Xidhiidhka Goleyaasha, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka.

Marka la dil-dilaacayo isku shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo laga saadaalinayo, ka sekow wasiirrada kawaanka iska qaaday, Xubnaha kale ee la filayo in lagu daro isku shaan-dhaynta xili gediska ah waxa ka mid ah Wasiirka Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir.

Dhinaca kale Warar Wargeyska Yool ka helay ilo-wareedyada kala duwan, ayaa qaarkood, lagu sheegayaan inuu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan dhex maray horaantii todobaadkan, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi, Kadib markii Guddoomiye Muuse Biixi si adag ganafka ugu dhuftay dhaliilo Madaxweyne Siilaanyo ugu soo jeediyey in hoggaanka Xisbigu caqabad ku yahay qorshaha Xukuumadiisa ee Mustaqbalka ee ku wajahan diyaar-garowga Doorashooyinka iyo furdaaminta caqabadaha ka hor iman kara ka midho-dhalintiisa, isla markaana masuuliyada arrinkaas u xambaariyey xubno Golaha Wasiirada, kuwaasoo sida xogaha lagu sheegay Guddoomiyuhu ku eedeeyey inay kala fogeeyeen Xukuumadda talada haysa iyo bulshada.

Docda kale, Wararka lagu sheegay inuu jiro ajende aan weli debada u soo bixin oo ka dhan Guddoomiye Muuse Biixi, kaasoo Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradu ku go’aansadeen inay u Sharaxaan Jagada Madaxtinimada Xisbiga KULMIYE Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi. Hase-ahaatee ilo-wareedyadu waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan Warkan oo kusoo beegmay waqti Madaxweyne Siilaanyo uu hore u naqdiyey Warar ku saabsanaa inuu ka tanaasulay tartankii jaggada Doorashada Madaxtinimada, Wararkaasoo toddobaadyadii u dambeeyey si weyn u saameeyey bulshada.

Guud ahaan Duruufaha kala duwan ee ku xeeran Xisbiga kulmiye iyo Xukuumaddiisu, waxay muujinayaan Ifafaaleyaal curin kara khilaaf hor leh iyo is-kooxaysi mar kale dil-dilaaciya garabyada kala laalaada ee dalka xukuma, kuwaasoo uu wali geed ugu xidhan-yahay xal u helinta Khilaafkii xumad-jebinta lagu muday ee ka dhashay Shirweynihii xisbiga.