Thursday, November 20, 2014

Adeega Internet-ka ee 4G oo Shirkadda SOMTEL Daah-furtay



khadar smoHargaysa(GNA)Shirkada Caalamiga ah ee Somtel Ayaa Xalay Magaalada hargaysa ku daah-Furtay Adeeg Internetka ee 4G oo Xawaarahiisu aad u Sareeyo.

waa markii ugu horaysay ee adeegan lagu daah-furo Somaliland, iyadoo uu ka dambeeyay adeega kale ee 3G-ga loo yaqaano oo muddo dalka laga isticmaalayay.

Munaasibada Balaadhan oo loo qabtay furitaanka Adeeg ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo Qayb-galeen Madaxwayne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylic,Madaxda u sarsaraysa Shirkada Somtel iyo Dahabashiil Group,Wasiiro,Salaadiin,Aqoon Yahan iyo Marti Sharaf Aad u Badan.








Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylic Ayaa Xadhiga ka jaray Adeeg shaacinta 4G ee shirkadda Somtel.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta ee Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan oo munaasibadaas ka hadlay, ayaa  sheegay inay Shirkadda Somtel u taagan tahay inay ka jawabaan baahiyaha arrimaha Bulshada isla markaana horey looga bartay inay hormuud  ka soo ahayd adeega Internet-ka noocyadiisii ugu dambeeyey isaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi.










“Caawa waxaan ku faraxsanahay inaanu idiin soo bandhigno daah-furka adeegga casriga ah ee 4G,Adeegani waa adeeg Cusub oo xawaarihiisu aad u sareeyo,Calaamka inta isticmaasha adeegani waa faro ku tiris,inaguna Maanta Waxa aynu kaga bixin Doonaa Baahidii loo qabay internaydka,waxaana Bulshada somaliland usoo jeedinaynaa in ay ka furan karaan Adeegan Casriga ah Meel kasta oo ay Laamo Ku Leedahay Shirkadu,Adeegani waa mid wax badan bulshada somaliland ku dhaqan u sahli Kara,Waana mid Xawaarihiisu yahay sida Hilaaca oo kalaa.ayuu yidhi.

Khadar Cabdiraxmaan Madax Xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Somtel oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.








"Haad-ba haad-kici’Shirkadda Somtel oo aad uga barateen inay idiin daadihiso hogaanka adeegga Interneydka ee dalkeena waxay caawadana idiin soo badhigaysaa Adeeggii ugu dambeeyey ee hadda dunida laga isticmaalo kaasoo dalkeenu noqonayo wadankii ugu horeeyey  Geeska -Africa ee laga adeegsado adeegan 4G"

Madaxa qaybta Ganacsiga Maxamed Rooble oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sharaxaad ka bixiyey adeeggan cusub ee  4G waxaanu sheegay inuu yahay Adeeg ka xawaare sareeya kuwii horey looga isticmaalijiray Somaliland.








"hadaan waxyar idiinka sheego sida uu adeegan cusub ee 4G-gu -u shaqeeyo waa -adeeg dag-dag ah oo sida hilaaca oo kale  u shaqeeya,Waxaanad kaga bixi kartaan Baahidii Internayd La’aan ee dalka ka jirtay"

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Madaxa qaybta adeegan Internet-ka Xasan Sheekh Maxamuud Suufi waxaanu ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray adeegga Internet-ku.

“markii ugu horeysay adeegani waxa uu ka soo bilawda dalka Japan sanadihii sideetamaadkii goortaas oo ay ahayd  waxay dunidu - u arkaysay inuu yahay wax mucjiso ah oo lala wada yaabay balse waxay arintu intaa ka sii balaadhatay markii ay qaybtiisa 3G-gu soo Gaadhay Somaliland markii ugu horeysay kaas oo lagaga haqab beelay sidii aan xaga horaba ku soo sheegnay baahiyihii dadka ka haystay,dhamaan adeeganii waxa uu ka Shaqayn doonaa oo aad ka heli kartaan xarumaha shirkadda Somtel.








Cabdi-faarax oo ku hadlayey magaca Shirkadda Dahabshiil oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey inay Somtel daah-furtay barnaamijkan 4G-ga.

“Somalidu waxay tidhaadaa Haad-ba haad-kiciyoo Gorgorkii Baayimid,waxaan leeyahay Dahabshiil oo aad Uga barateen inay xawaaladda idiin Dadajiyaan oo caawana 4G loo furay waxay noqon doontaa wixii shaqadii ugu fiicnayd ee ay dadweynuhu naga helaan hadaanu nahay bahda Dahabshiil Group”








Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Jaamac Xaaji  Maxamuud oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay  inay sharaweyn u tahay inay dalka keeneen adeegga Casriga ah ee 4G,waxaanu xusay inay shirkadu horeba uga shaqayn jirtay sidii ay ugu adeegi lahayd bulshada qaybaheeda kala duwan

“waxa caawa Somtel farxad iyo rayn-rayn ugu filan inay adeeggan casriga –ah ee 4G-waxaanan soo wadnaa Adeegyo kale oo EDahab-kii ka kaw yahay oo aanu dhawaan furidoono”








wasiirka Boosaha,Ciyaaraha,wasiirka ku xigeenka Warfaafinta oo iyaguna Munaasibada hadalo kooban kasoo jeediyaya ayaa u mahad naqay Shirkada Somtel.

Gaba-Gabadii Munaasibadaasi waxa kelmed mahadnaq iyo hambalyo ah ka jeediyay  Madaxwayne Ku Xigeenka Jaamuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Sayli,waxaana uu shirkada ku aamaanay Doorka ay ka ciyaarto Horumarinta Bulshada iyo Sida ay Marba Bulshada uga Haqab Tirto Adeegyada la tabayo,waxaana uu Cadeeyey in Maanta laga bilaabo laga Maarmi Doono Internaydkii Cuslaa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com