Friday, November 21, 2014

Mid ka mida kooxdii Dishay saado cali Oo Gaacanta lagu Dhigay

332222(GNA)-Howl-gal ay maalinimadii Khamiistii lasoo dhaafay sameeyeen ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii ka dambeeyay dilalka Muqdisho loogu geystay Xildhibaano, Saraakiil iyo Masuuliyiin xilal culus ka heysa DFS sida ay Waacusub Media u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’ada Nabadsugida Somaaliya.

 

Saraakiishaan Nabadsugida ka tirsan ayaa sheegay in Xogta ninkaan la helay kadib markii uu weerar kusoo qaadeen Xildhibaan Dalxa oo ay doonayeen inay ku dilaan balse dagaal dhex-maray Ilaalada Xildhibaanka iyo Maleeshiyo uu ninkaan hogaaminayay uu ku fashilmay qorshahooda kadibna dabagal xoogan oo la sameeyay lagu ogaaday inuu ninkaan yahay ninka qorshahaasi ka dambeeya howl-gal la sameeyayna isla Khamiistii galinkii dambe lagu soo qabtay.

 

Ninkaan Dilaaga ah oo wali aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay in lagu soo qabtay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir xili uu ku sugnaa gurigiisa oo degmadaasi ku yaala waxaana lala soo qabtay Baabuur uu adeegsan jiray Dilalka oo Saddex Baabuur ah, waxaana la tilmaamay inuu ka tirsanaa ciidamada DFS oo mishaar ka qaadan jiray Airport-ka Muqdisho kuna qornaa ciidamada ilaalida Airport-ka.

 

Saraakiisha Nabadsugida ayaa Saxaafada u sheegey in ninkaan oo si weyn loo ciqaabay kadib markii lasoo qabtay uu qirtay dambiyadii lagu tuhmayay isagoo mid-walba cadeyn ka bixiyay iyo xiliyadii uu dilalkaasi geystay iyo cida soo adeegsatay oo aad ula yaabeen Saraakiisha Nabadsugida kadib markii xubno masuuliyiin ah oo DFS ka tirsna uu ninkaan tilmaamay inay howl-galada u diri jireen si uu suoo fuliyo.

 

Howsha ninkaan lagu soo qabtay ayaa waxaa si weyn ugu shaqeeyay Wasiirka amniga Soomaaliya Khaliif Erey oo si weyn u taageersan RW Cabdiwali Sheekh Axmed oo xiligaan khilaaf xoogan kala dhaxeeya M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxeyna soo qaba-shada ninkaan u egtay mid Siyaasadeysan oo xiliga khilaafka lagu soo beegay isla markaana xiliyadii hore ay indhaha ka qarsan jireen masuuliyiinta ammaanka qaabilsan oo la rumeysan yahay inay si weyn ula socdeen

 

dhaqdhaqaqa ninkaan.

 

Ninkani waxaa uu ilaa hada qirtay inuu dilay Seddax Xildhibaan iyo Sadex Sarkaal oo ka tirsan hay’ada Nabadsugida qaranka Soomaaliya.

 

Saado Cali Warsame oo u adeegsaday dilkeeda gaadhiga Surf ah

 

Madaxii Maaliyada ee gudida baarlamaanka oo xamarweyne uu ku dilay una adeegsaday gaadhiga Kahribka ah,

 

Maxamud Xayd oo isagana uu ku dilay agagaarka Bankiga dhexe Somalia una adeegsaday gaadhiga kahribka ah

 

Sarkaalkii nabadsugida u qaabilsanaa dhinaca la dagaalanka argagixisada oo uu ku dilay buundooyinka xamar jajab subax hore una adeegsaday dilkiisa gaadhiga kahribka ah,

 

Sarkaal lagu magacaabi jiray Mahamed ahmed oo uu ku dilay buulo xuubey iyo mid uu ku dilay Zoobe

 

Ninkani da’diisu waa 40 jir waa nin Madoow san balaadhan.