Wax Ka Baro Taariikh-faneedka Fanaankii Weynaa Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic) Oo Dhawaan Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa Q.4-Aad
Gugii 1977-kii, markii uu xornimada qaatay dalka Jabuuti, waxa uu Wigic u baqoolay dalka Qadar. Mar aan fanaanka waydiiyey mudadii uu Qadar joogay wax suugaan ah oo uu soo saaray inay jiraan iyo inkale, waxuu ii sheegay inuu xilligaasi hakiyey, una jeestay dhanka Ganacsiga.
Al-Fanaan Cabdilaahi-Wigic, Waxuuse ii xusay Hal Hees oo uu soo saaray muddadaasi uu joogay dalka Qadar. Taasoo Laxanka iyo Luuqdaba uu isagu saaray, midhahana uu curiyey Abwaan Cali Buuni. Waxaana ka mida tuducyadan:
Adigaa Gu’ kuu da’oo
Gal xareediyo Rays
Iyo Godan barwaaqo’a
Geellu kuugu dayr-dhalay
Adna gacan-ku-saydhiyo
Ishood igu gubtiyo
Gefbaan kaa tirsanayaa
Nabsi lama guntado’e
Intaanu gantaalaha
Warmihiisa kugu ganin
Geestaada caashaqa
Gacaloow kasoo godol
Oo yaanu gaagixin.
Heestan ayuu Wigic ii tibaaxay inay tahay Hees Soomaaliyeed tii ugu horreysay ee Kamaniistaha caanka ah Al-Fanaan Cabdinaasir Macalin Caydiid uu kamanka u tumo. Inkastoo wixii intaa ka horreeyey uu Cabdinaasir Macalin tumi jiray heesaha carabta.
Ganacsigii uu Wigic dhex-galay kana bilaabay dalka Qadar, waxa uu noqday mid uu si weyn ugu tanaaday, waxaanu gaadhay heer uu alaabada kasoo waarido dibadda, una iib-keeno dalka. Gugii 1988-kii ayey ahayd markii Wigic uu Bagaash fara badan kasoo rartay magaalada Dubai, kana soo dejiyey degmada Maydh ee gobolka Sanaag.
Nasiib-darro alaabtaa faraha badnayd ayaa noqotay mid aanu calfan, dib-na ugu celisay Fankii uu ka fadhiisatay. Waxaanu safarkaasi noqday mid uu ku khasaaray, kadib markii uu ku beegmay xilliyadii dalka ay ka bilaabmeen kala-yaaca dagaalladii xaqu-dirirka ee lala galay taliskii Faqashta. Waxaana halkaasi kaga baaba’day hanti fara badan oo in muddo ah uu kusoo tabcaayey.
Markii ay talo faro ka haadday, fara-madhnaana uu soo istaagay, ayuu Wigic fankiisii dib u holladay. Waxaanu isla gu’gaasi ka qayb-galay Show ay kooxdii fanaaiinta ee DANAN ka wadeen dalka, kana dhigeen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera.
Shawgaasi oo Wigic kaga qayb-galay kana qaaday dhawr heesood, ayaa waxaa ku weheliyey oo isna ka qayb-qaatay fanaankii kale ee caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg (IHUN), oo isna sannad ka hor ku geeriyooday laguna aasay magaalada Hargeysa. Waxaa kaloo ka mid ahaa fanaaniintii DANAN ee hoggaaminaysay Shawgaasi Al-Fanaan Maxamed Faarax Xirsi, Ikraan Jaamac Ismaaciil, Sahra Cali Xasan iyo Cabdinaasir Macalin Caydiid.
Intaas kagadaal, waxay badi fanaaniintii u kala firxadeen dalalka jaarka. Waxaanu Wigic ka mid ahaa fanaaniin fara badan oo ku qaxday dalka Jabuuti. Waxaana ka mid ahaa Fanaanka caanka ah jilaaga weyn ee Cabdi Haybe Laambad oo dhawr Show ay Wigic wada dhigeen muddadii ay Jabuuti kuwada sugnaayeen.
Show-yadaasi oo bulshada Jabuuti ay si weyn ugu xoomi jireen, ayaa heesihii uu Wigic ka qaadi jiray waxaa ka mid ahayd Hees uu midhaha iyo laxankaba isagu sameeyey. Taasoo ku biirtay heesaha dareen-taabadka leh ee aadka loo jecel yahay. Waxaana midhaheedii ka mida:
Dadkii gama’san laylkii
Jacaylbaa gantaalaha
Igu riday gammuuntii
Ma gam’oo hurdada gelin
Waa ii galgalashiyo
Ilmo gobo’da haysee
Adna geeddi dheer baad
Sii guuraysaayoo
Kuna gaadhi waayee
Goormaan…………?
Intaa kagadaal, waxaa xigay soo laabashadii ugu dambaysay ee Wigic uu dalka hooyo ku yimaaddo oo ahayd markii ay soo idlaadeen dagaalladii lagu xorreeyey dalka, laguna dhawaaqay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 1991-kii.
Inkastoo wixii intaa ka dambeeyey uu Wigic aanu ugu badnayn Fanka, hadana umuu yaraysan, waxaana suugaantii uu soo saaray wixii ka dambeeyey dibu-xorayntii dalka, aan ka xusi karaa ruwaayad magaceedu ahaa “TAB JACAYLKU MA WAAYO”, oo 2004-tii uu curiyey.
Ruwaayaddan oo lagu dhigay Garoonka Timacadde ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa la habeeyey lana soo saaray Abwaan Muxumed Xaaji Soofe Ismaaciil (Kaneeco), Awaan Maxamuud Xuseen Qaalib (Wadani), Al-Fanaan Cabdilaahi Cabdi Cali (Cabdilaahi-Dheere).
Aktarrada ruwaayaddu waxay ahaayeen Al-Fanaan Xasan Jaamac Qodax (Xasan-Gacan) iyo Ifraax Axmed Ciise (Ifraax-Hargeysa) oo haatan ka mida kooxda caan-baxday ee Xiddigaha Geeska. Waxaa kaloo heesaaga ku jiray Al-Fanaan Cabdilaahi-Dheere oo haatan ah Wariyaha SLNTV uga soo warrama dalka Nairobi, Firdaws Cabdi Xabashi iyo Hodan-Xaraaro (IHUN).
Heeso waddaniya oo xilliyadan dambe uu soo saaray ayaa jira, waxaana ka mida hees uu isagu qaaday oo erayadeeda ay ka mid yihiin Shafka Qumaca Ka eeg, Shan Rasaasa Weeyee… taasoo midhaha iyo naaxiyaddaba uu isagu curiyey. Waxaanu qaaday intii uu ka midka ahaa kooxda Goodir ee ciidanka Booliska Somaliland.
Sidoo kale waxaa jira heeso qasiidooyina oo uu qaaday muddooyinkan dambe, waxaanan ka xusi karaa qasiido qaaliya, oo u kaydsan Radio Hargeysa. Iyadoo ay idaacaddu inta badan baahinta heestaasi awoodda saarto bisha barakaysan ee Ramadaanta. Waxaanay tidhaahdaa:
Banii’aadnanoow
Nafta lamaad ballaminoo
Gooray bixi Allaa oge
Allihiina cabsidiisa badiya
Ilaahiina cabsidiisa badiya.
Qasiidadan oo bulshadu aad u xiisayso, ayaa midhaha, laxanka iyo codkaba waxaa sameeyey isaga laftarkiisa, waa Cabdilaahi-Wigic’e. Waxaanan ku xasuustaa bilihii ramadaanta ee labadii sanno ee u dambeeyey oo idaacadda Radio Hargeysa ay baahinta heestaasi ay si weyn ugu cel-celin jirtay.
Inkastoo heesihiisa waddaniga ah iyo qasiidooyinkuba aanay intaasi ku koobnayn, kana badan yihiin, hadana beryihii dambe waxa uu Wigic u badnaa dhanka curinta laxamada iyo midhaha oo kaliya. Kuwaasoo da’yarta ku cusub fanka uu u samayn jiray, isagoo dhiiri-gelin iyo badhi-taarid uga dhigaya. Waxaanu muddo badan ahaa Shamac u baxaayey fanka.
Fanaanka caanka ah ee da’da yar kana midka ah kooxda beryahan shidan ee Xidigaha Geeska Al-Fanaan Maxamed Axmed Bakaal (Cirro), ayaa ka mid ah fanaaniinta uu Wigic sida weyn u soo gacan-qabtay. Waxaanu Cirro oo arrintaasi aan wax ka waydiiyey ii sheegay inuu Wigic ahaa fanaankii kusoo barbaariyey, kuna dhiiri-geliyey Fanka.
Waxa kaloo uu Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) ii xusay in heestiisii ugu horreysay ee uu qaado oo la yidhaa “DAREEN JACAYL” uu Cabdilaahi-Wigic u saaray Laxanka. Taasoo midhaheedana uu curiyey Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib (Abwaan Maxamuud-Wadani).
Al-Fanaan C/laahi-Wigic, inkastoo wax-soo-saarkiisa suugaaneed beryahan dambe aanay badnayn, balse hadana kama uusan madhnayn. Waxaanu ku jiray Odayaasha looga dambeeyo, waxna laga waydiiyo Fanka. Waxaanay tiisii noqotay oo xanuun si kedisa ah ugu soo boodday uu ugu geeriyooday badhtamaha bishii tagtay ee 16/10/2014.
Taariikhda fannaankani waa mid ballaadhan oo aan maalmo iyo bilo toona aan lagu soo koobi karayn. Waxaana iga xasuusina qormooyinkaa afarta ah ee aan soo aragnay waa dul-xaadis iyo guud-mar aan ku sameeyey qaybo ka mida taariikhdiisa suugaaneed ee hodanka ah, Ilaahay ha u dambi dhaafo, naxariistiisa waasicana haka waraabiyee.
Dhammaad.
Qalinkii: Cabdisalaam-Abuhurayra
salaanmuctasim@hotmail.com
abuhurayra@hadhwanaag.org
Hargeisa, Somaliland.