Saturday, November 22, 2014

Warbaahinta Dawladda oo laga Madnuucay baahinta Wararka Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada

Hab-dhaqanka Maamul ee xukuumadda Kulmiye muxuu kaga duwanyahay Nidaamkii UDUB ee lagu dhaleecayn jiray Isticmaalka Warbaahinta Qaranka..?

"habeen walba waxa TV-GA Qaranka laga caayaa Anigoo ah Guddoomiyaha Baarlamanka"Guddoomiye Cirro..

CIRROHargeysa(GNA)-Warbaahinta Dawladda Somaliland, ayaa laga madnuucay Wararka iyo Barmaamujyada laga soo duubo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Asxaabta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta aan Dawladda Taageerayn ayaa hore uga takoornaa  Telefishanka iyo Idaacada Dawladda, taasoo inta badan lagu dhaleeceeyo Xukuumadda, inay meesha ka saartay u sinaantii Warbaahinta Qaranka, si la mid ah hanaankii ay dawladdii Rayaale dabciga ka dhigatay.

Ma cadda Sababta keentay in warbaahinta Qaranka laga joojiyo baahinta wararka ama dhacdooyinka laga soo duubo, Guddoomiyaha Baarlamanka oo ah masuulka labaad ee Qaranka ugu sareeya, marka la eego saddexda hay'addood ee Dastuuriga ah, hase ahaatee waxa loo aanaynaaya talaabadaasi inay ku timi kala fogaanshiyaha siyaasaddeed iyo mabdi'iisa mucaaridnimo.

Cirro ayaa ah hogaamiyaha Xisbiga ugu taageerada badan xilligan kala guurka Siyaasaddeed muuqdo, isla markaana qasriga madaxtooyada xumad iyo xanuun badan uu ku hayaa xisbigiisa oo dhinaca kale, hogaaminaya hay'adda Xeer-dejinta la soo doorto ee Wakiillada.

Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu ka helnay Wasaarada Warfaafintu, Tafaftiraha Guud ee Telefishanka Qaranka Xuseen Aw-jaamac Jibriil (Xagar), ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku amray  Madaxda qaybaha Wararka iyo Barmaamujyada ee TV-ga iyo waliba kuwa Radio-yaha inaanay baahin karin barmaamujyada iyo Wararka Gudddoomiyaha Wakiillada Mr. Cirro.

Taa bedelkeeda waxa iska cad in habeen walba laga baahiyo Telefishanka Barmaamujyo ku lid ah Guddoomiye Cirro iyo Mucaaridka kale ee dalka, ma ogin in go'aankani uu saameyn doono gudbinta Wararka Golaha Wakiillada ee joogta ah xilliga ay kalfadhiyadu socdaan.

hase ahaatee arrintan ayaa lid ku ah u sinaanshiyaha Warbaahinta Qaranka ee Hay'aaddaha dalka, isla markaana dhaawacaysa ujeedka loo sameeyay Warbaahinta dawladda oo ah inay umadda u gudbiso dhacdooyinka joogtada ah iyo kuwa ka turjumaya higsiga mustaqbalka, aqoon iyo macluumaad korinaya garaadka Mujtamaca qaybihiisa oo dhan, iyadoo aanu jirin sharci xaaraantiminaya in si siman looga soo gudbiyo Loolanka dhinacyada Siyaasadda oo dhan.

Guddoomiye Cirro, ayaa dhawaan isagoo ka hadlayay Xaflad Xisbigiisu qabsaday daboolka ka qaaday in Telefishanka Qaranka si joogta ah looga baahiyo Cayda iyo aflagaadooyin siyaasaddeed oo lagu durayo "Telefishanka Qaranka ee umaddu wada leedahay habeen walba waxa laga cayaa anigoo ah Guddoomiyihii Baarlamanka, Baarlamanku waa Hay'adda Labaad ee Dalka TV-gana waxa leh dalka, arrintaasi ma saxbaa?. Kaasi Telefishan qaran miyuu inoo noqonayaa" ayuu sii waydiiyay Taageerayaashii Xaflada ku sugnaa.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa xukuumaddii rayaale ku dhaleecayn jiray isku koobista Warbaahinta Qaranka, waxaana arrintaasi ugu hadal hayn badnaa Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqday hogaamiye ka debecsan, kana maamul wanaagsan Daahir Rayaale Kaahin, hase ahaatee hab-dhaqanka Maamul ee hada jira ayaa ka fadalo cad-cad, kana qalafsan cahdigii UDUB ee Kursiga hogaaminta lagaga riday Codka shacbiga.

Waxaana taasi caddeynaya sida ay wali indhaha iyo dhegaha Bulshadu u daalacanayaan dabeecadaha dawlad xumada Kulmiye ku tilmaami jiray ee heega sii goostay, isla markaana aan xanta ahayn ee badheedhayaasha loolanka ka muuqda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com