Monday, November 24, 2014

Sir Culus: Istaraatiijiyadda Mustaqbalka lagu midaynayo Somaliland iyo Soomaaliyo

Maxaa siro la qaybsaday.... siraad laysu wada shiday!!

Daraasad daaha ka rogtay lix qaab oo la doonayo in lagu saleeyo midnimada iyo aamusnaanta Xukuumadda..Q1aad

Siilaany iyo SheikhHargeysa(GNA)-Daraasad la soo saaray sanadkan 2014-kii, lana diyaarinayay muddo ku siman saddex sanaddood , ayaa lagu daah-furay qorshaha ama istaraatiijiyada mustaqbalka la asteeyay in lagu mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo ay dabada riixayaan dalalka ugu waaweyn ee Taageerada siiya, isla markaana sida gaarka ah u dhiiri-geliya dimuquraadiyada iyo nabad-gelyada Somaliland ka hana-qaaday 23 sanno ee ay jirtay.

Cilmi baadhistan oo muddadii ay socotay lagu dersay dhowr nidaam oo la tijaabiyay oo caalamka ka shaqeeya, iyadoo la eegayo Diinta iyo Dhaqanka ay kala aaminsanyihiin qoomiyadaha ku nool dalalka hore loogu tijaabiyay, ayaa natiijada ka soo baxday lagu soo uruuriyay lix qodob oo Gun-dhig u ah qaabka lagu suurto-gelin nidaamka Federaalka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Daraasadan oo uu diyaariyey Machad Maraykan ah oo ka shaqeeya ka hortaga iyo xalinta Khilaafaadka Caalamiga ah oo magaciisa la la yidhaahdo (DCI), gacana ay ka geysteen Dawladdaha Norway iyo Switzerland, ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay fursaddo laysgu keeni karo Somaaliya iyo Somaliland soo ay baxeen markii Dawladda Xamar ka baxday nidaamkii Ku-meel-gaadhka, wada-hadalada labada dal-na ay bilaabmeen.

Dhinaca kale, Daraasadan waxa lagu xusay in tan iyo markii la diyaarinayay ay wax ka ogaayeen hogaamiyeyaasha dalalka Somaliland iyo Somaaliya, waxaanay isbar-bar dhig ku samaynaysay Dastuurrada ay ku dhaqmaan Maamul-gobollada hoos-yimaada Dawladda federaalka Soomaaliya iyo kan Somaliland samaysatay. Iyadoo kooxdu beyaamisay inay is-waafaqi karaan dhamaan Shuruucda u degsan iyo hab-dhisyada dawladnimo ee labada dhan.

Is-waafajinta siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa waxay daraasadu ku sheegtay inay tahay talaabo daruuri u ah geedi socodka hab lagu gaadhi karo Maamul-wadaag iyo bar-kulan midnimo oo ay si ikhtiyaari ah u samaysanayaan labada dal, iyagoo kala dooranaya dariiqooyin kala duwan oo ay ku salaynayaan.

Inkasta oo aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marna shacbiga reer Somaliland waxba uga biniixin dabinnada siyaasaddeed ee ku gedaaman wada-xaajoodka ay la furtay dawladda Soomaaliya ee wali aan saldhigan, hadana sida ku cad daraasadan oo nuqul ka mid ah uu Wargeyska Yool helay, qastiga laga leeyahay wadahadalada socda, ay tahay hindisahan loogu gogol-xaadhayo midnimada, waxaanay taasi hore iyo dib-ba u shiiqisay ku dhegenaanshiyaha madaxbanaanida ee dhinac Somaliland.

Machadka Daraasadan sameeyay oo Bishii Feberaury ee sanadkan soo saaray warbixintooda oo ka kooban 87 Bog, taasooo si hufan loogu sharaxay qaababka ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya dib ugu midoobi karaan iyo wadiiqooyinka u furan inay raacaan si taasi loo meel-mariyo, waxa uu geesta kale, daboolka ka qaaday in intii ay howsha wadeen ay la kulmeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha labada dhinac, kuwaasoo ay ka soo xigteen waxyaabaha ay gun-dhiga uga dhigeen cilmi baadhistan.

Waxa jeexan waddiiqooyin kala duwan oo laysugu soo dhaweynayo aaraa’da kala fog ee labada dhinaca, waa Somaliland iyo Soomaaliya’e, kuwaasoo la sameeyay jidad hab Ikhtiyaari ah loogu raacayo, waana yoolka lagu higsanayo wadahadalada u dhexeeya Labada dal ee bilaabmay sanadkii 2012-kii horaantiisii.

 

Kooxda soo saartay daraasadan oo ciwaan uga dhigay warbixintooda “ABUURISTA ISU-TANAASUL” “DARAASEYNTA FURSADAHA KALA DUWAN EE KA-QAYBGAL-SI- YAASADEED IYO DHIIRRIGELINTA DHAMMAAN FIKRADAHA KALA DUWAN EE SOOMAALID”, ayaa si cad farta ugu fiiqay in wadahadalada Somaliland iyo Somaaliya ee haatan socda lagu yagleeli karo aakhirka midnimo iyo dawlad-wadaag ku dhisan hababka ay daraasada ku soo jeediyeen.

QAAB-DHISMEEDKA SIYAASADEED IYO AWOOD-BAAHINTA LOO MARAYO IS-WAAFAJINTA

Marka la guddo galo Falanqeynta Daraasadan, ayaa qaybta koowaad ee ciwaankeedu kor ku xusanyahay lagu faaqiday waxyaabaha ay iskaga midka ka yihiin dhinaca Shuruucda labada dal.

Waxaana lagu yidhi sidan: “Iyada oo la xulanayo qaabab maamul dowladeed oo baahiya awoodda, oo dheelli-tira awoodda fulinta iyada oo la hubinayo in awoodda maaliyadeed loo baahiyo si daahfuran oo hufan, iyo in la dhiso dowlad-goboleedyo u habboon awoodaha heerarka kala duwan, dadka Soomaaliyeed ay ku dhisi karaan maamullo ku habboon.”

NIDAAMKA (NIDAAMYADA) DOORASHADA: Iyada oo la tixgelinayo fikradaha sida codeyn wareegyo kala duwan dhacda; degaanno doorasho oo leh kuraas badan ama kursi keliya; adeegsiga shuruudo tirada ugu yar ah, kuwootooyin, iyo habab kale oo wax lagu qaybiyo; doorashooyin dad badan ama magacaabis; doorashooyin iskuxidhan oo ay ku wada jiraan heerarka kala duwan ee dowladeed ayaa bixin kara habab lagu hubinayo in doorashooyinku ay muujiyaan kala duwanaanta bulshooyinka iyo danaha.

LAANTA FULINTA: Tallaabooyin lagu dhisayo qaab-dhismeedyo fulineed oo loo dhan yahay waxaa ka mid ahaan kara – laan fulin oo xubno badan ka kooban ama mid lagu kaltamo; sameynta qaabab lagu kormeero laguna dheellitiro go’aan-gaaridda laanta fulinta; in madaxda dhaqanka lagu biiriyo laanta fulinta; hubinta u daahfur- naanta dadweynaha; iyo tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo matalaad ay helaan dadka laga tiro badan yahay iyo haweenka.

LAANTA SHARCI-DEJINTA: Si ay uga wada muuqdaan kooxaha danaha kala duwan iyo iyada oo loo marayo laanta sharci-dejinta ayaa dadka Soomaaliyeed (Somaliland iyo Soomaliya) ay tixgelin karaan in ay adeegsadaan habab tacaamul dadweyne; kaa lin ay ku yeeshaan shakhsiyaad caan ah oo si dadban loo soo doorto; habab go’aan-qaadasho oo daahfuran; iyo tallaabo lagu hubinayo in ay matalaad helaan danaha dowladaha xubinta ka ah federaalka.

KA-QAYBGAL DADWEYNE: Tani waxa ay door weyn ka ciyaari kartaa hubinta is-waafajin siyaasadeed. Xidhiidh lala yeesho kooxaha bulshada degaanka; ka-qaybgalka dejinta siyaasadaha iyo shuruucda; waxbarasho wacyigelin dadweyne oo laga wada-qaybqaato (interactive civic education); iyo tallaabo si rasmi ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka ay uga mid noqonayaan nidaamka maamulka dowladeed ayaa dhisi kara is-waafajinta iyo sharci- yadda.

ARRIMAHA DHAQANKA: In golayaal la-talin oo hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo culimada ah la dhexgeliyo laa maha fulinta iyo sharci-dejinta; iyo in la qaado tallaabooyin si rasmi ah arrimaha dhaqanka loo dhexgelinayo hannaanka dowladeed ayaa gacan ka geysan kara xoojinta is-waafajinta iyo sharciyadda.”ayay daraasadu ku tidhi marka laga hadlayo waddada loo marayo hanaanka is-waafajinta ah ee ka kooban lixda qodob ee lagu jaan-gooyey qaababka ay isu-qaadan karaan labada dhinac midnimadooda.

Gun-dhiga Midnimada

Qaybta lagaga hadlayo Gun-dhigyada ikhtiyaariga ah ee midnimada ayaa si guud u sharaxaysa hababka loo dhisi karo dawlad wadaag ah.

Waxaanay ku bilaabantay sidan: “Fursado/ikhtiyaarro is-waafajin siyaasadeed ah looga sameyn karo Soomaaliya iyo Somaliland dhexdooda iyo mid walba gudaheeda Mid kasta oo ka mid ah noocyada fursadaha/ikhtiyaaradda kala duwan ee hoos lagu sheegey waxaa ay dham- maan lixda dhinac (strands) isugu xireyaa qaab dowladeed oo isla jaanqaadaya.

Wadajir ahaan fursadaha/ikhti- yaarada lixda ah waxaa ay bixinayaan qaab taxan oo iskuxigxiga oo wax loo dhisi karo, mana aha talo-soojeedin; waxaa keliya oo looga danleeyahay in lagu muujiyo habab keeni kara is-waafajin siyaasadeed.

Fursad/ikhtiyaar kasta waxaa uu muujinayaa faa’iidooyinka iyo halisaha siyaasadeed ee uu ku yeelan karo is-waafajinta, waxaana uu muujinayaa sida xulashooyin isla jaanqaadaya looga sameeyn karo guud ahaan lixda dhinacba (strands).

Lixda qodob ee Aasaaska u ah Fursaddaha is-waafajinta midnimada lagu samayn karo


  • mideysan (dowlad dhexe oo xooggan) oo awoodda la baahiyey iyada oo loo marayo nidaam awood-baahin, aasaasiyan loo marayo sharci-dejin. Habkan oo horey uga dhaqan galay dalalka: Ghana; Indonesia; Ingiriiska (United Kingdom).

  • federaal ay xubno ka yihiin dowlado, kaas oo muujinaya qaab-dhismeed la barbar-dhigi karo qaababka maamul dowladeed ee ku jira Dastuurka Federaalka Ku-meel- gaarka. Tusaale ahaan : Argentina; Ciraaq; Malaysia Fursadda/ikhtiyaarka nooca

  • dal mid ah oo aad awoodda loo baahiyey, waana kan awoodda sida ugu badan loo baahiyey oo ah dal keliya, waxaanu mas’uuliyado tiro yar siinayaa dowladda dhexe ee dalka, halka dowlad-goboleedyadu ay awood u leeyihiin arrimahooda gu- daha. Habka waxa ku dhisan Midowga dalalka Serbia-Montenegro (2003-2006); Imaaraadka Carabta ee       Midoobey

  • midnimo ku dhisan qaab is-sheegasho ikhtiyaari ah, oo la dhex gelin karo mid kasta oo ka mid ah noocyada ikhtiyaaraadka/fursadaha ee kala duwan. Is-sheegashada waxaa ay abuureysaa xiriir rasimi ah oo dhex mara Dal weyn iyo dal sheegta, halka dalka cid sheeganaya uu caadi ahaan is-xukun- hoosaad ballaaran uu u leeyahay arrimihiisa gudaha waxaana Dalka la sheegteyna uu maareeyn karaa gaas- haandhigga iyo siyaasadda dibadda iyo mas’uuliyado kale oo la isla aqoonsadey. Tusaalayaal daraasad xaaladeed: Bougainville oo sheegatey Papua New Guinea; New Caledonia oo sheegatey       Fransiiska.

  • Midnimo ku salaysan, qaab ay isugu yimaadaan dalal badan (halkaan oo Dalalka xubnaha ka ah ay leeyihiin shakhsiyad caalami ah) waana midow qaabeysan ama konfederaal ka kooban dalal xor ah oo siyaadana leh oo laba ama ka badan ah oo leh hay’ado iyo qaabab rasmi ah oo fududeeya tacaamulka siyaasadeed iyo kan dhaqaale. Tusaale ahaan Axdigii Is-dhexgalka Masar iyo Suudaan (1982); Midowga Benelux Union;             Midowga Yurub; Beesha Bariga Afrika.

  • Qodobkan oo isna sidoo kale muujinaya hab ka kooban dalal badan, haddana aan lahayn qaabab maamul dowladeed oo rasmi ah. Tacaamulka dhaqaale iyo kan siyaasadeed waxa maamulaa keliya mucaahaddooyin iyo shirar ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha dalalka iyo wasiirrada iyo wakiillada wasaa- radaha ee u habboon.



Bar bilowgii dhiiri-gelinta hindisaha socda

“Dhaqan-gelintii Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah iyo doorasha- dii dowladda cusub ee bilihii Agoosto iyo Sebtembar 2012 kala dhacay waxaa ay keeneen fursad cusub oo Soomaaliya ay nabad iyo barwaaqo ku gaari karto. Marka laga soo tago guulahan, arrimaha siyaaasadda iyo amniga ee ka dhashey dhammaanshihii ku-meelgaadhnimada ayaa fududeeyey bilaabidda wada-hadal dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland. In kasta oo horumarkan uu rajo weyn dad gelinayo, haddana waxaa jira welwel laga qabo arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga, maamulka dowladeed, dhaqaalaha, iyo bulshada oo halis gelin kara guulahan la gaadhey oo keeni karana sii socoshada ama soo laba-kacleynta colaadaha.”ayaa lagu yidhi deraasadan oo hir-gelinteedu fursad ka heshay markii ay Somaliland ogolaatay wada-hadalka.

Waxaanay intaasi raacisay “ Sii ambaqaadidda horumarkan la gaarey waxaa ay u baahan tahay in la sameeyo qaabab maamul-dowladeed oo si taabogal ah isugu keeni kara danaha iyo fikradaha siyaasadeed ee kala duwan ee guud ahaan Soomaaliya iyo Somaliland.”

Talo-jeedin

Daraasadan oo aad u dheer, ayaa cidda diyaarisay qaybteeda ugu dambeysa ku caddeyeen inay Somaliland iyo Soomaliya u taalo howl-adag oo ku saabsan qaabka uu noqon doono mustaqbalka xidhiidhkooda maamul, kan siyaasaddeed iyo guud ahaan rabitaankooda biyo kama-dhibcaanka ah.

“Soomaaliya iyo Somaliland waxaa u yaalla hawl muhiim ah oo ah in ay dhisaan qaabab dowladeed oo shaqeyn kara oo dhiirrigelinaya nabad waarta, korriimo, kuna saleysan dhaqanka Soomaaliyeed ee ay wadaagaan. Ta- ariikhdii dhoweyd ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa madaxa isu gelisey qabaa’ilka waxaana ay sababtey is-aaminaad-darro iyo colaad ay maamullo ka-qaybgalayaan. Sida keliya ee looga gudbi karo waqtiga burburku ku sifoobey oo loogu gudbo mustaqbal nabad iyo barwaaqo leh waa in lahelo nidaamyo iyo geeddi-socodyo ku xisaabtama danaha iyo ujeeddooyinka kala duwan ee dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Habka is-waafajinta siyaasadda waxaa uu bixinayaa waddooyin gacan looga geysan karo qaabeyn nidaamyo dowladeed iyo geeddi- socodyo gacan ka geysan kara heshiisiin labada dhinac ah.

In la qaado hab ku wajahan dhammaan nidaamka iyo in la raadiyo fursado lagu helo is-waafajin siyaasadeed ee guud ahaan lixda dhinac/strands waxaa ay kord- hineysaa fursadda guul laga gaari karo. Geeddi-socodyo iyo nidaamyo diiradda saaraya keliya hal dhinac oo maamulka dowladeed ka mid ah, ama aan ku xisaabtamin danaha kala duwan ee ay leeyihin dadka iyo bulshoy- inka Soomaaliyeed, ayaa ay fursadda uu ku keeni karo nabad waarta ay aad u xaddidan tahay.”ayay tidhi daraasadu.

Xaqiraadda Somaliland

Inkasta oo Daraasadani daaha ka fayday xaqiiqooyin dahsoon iyo danaha reer galbeedku hoosaasada ku meel-marinayaan ee mideynta Somaliland iyo Soomaaliya, saddex iyo labaatan sanno, kaddib, isla markaana ay shacbiga Somaliland tusayso wadiiqooyinka mar kale loogu hadoodilayo dib u mirashada midhihii midowgii ee Caalka iyo gudka laga qaaday, hadana dhamaan hanaanka diyaarinteedu wuxuu meesha ka saarayaa sii waaritaanka Madaxbanaanida iyo qadiyada gooni-isu-taaga, wallow meelaha qaarkood lagu xusay inay Dadka reer Somaliland meel fog ka taaganyihiin in masiirkooda mar dambe laga jaan-gooyo Muqdisho.

Mowduuc ku cusub Madasha Siyaasadda

Ma jirto cid ka jawaabi karta Somaliland gudaheeda, Muuqaalka guud iyo mugga ay xambaarsantahay daraasadani, iyo nuxurka ay bixinayso, hogaanka dalka iyo inta la og mooyaane.

waayo waa Mowduuc ku cusub mareegta siyaasadda ee Maxaliga ah “arrintani hadii ay jirto maaha faallo ma leh, khatar mooyaane”sidaasi waxa Wargeyska Yool u sheegay mid ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Somaliland.

Waxa muuqata inaanay sheekadani si fudud laabtooda uga daadegin dadka ay gaabantahay aragtidooda siyaaasaadu, iyadoo ay kuwa xaqiiqda ogani is-diidsiinayaan soo hadal qaadka arrimahan .“aadbay u adagtahay in arrintan jawaab looga helo dhinacyada ku jira xayndaabka siyaasadda ilaa ay si mug leh u dersaan jiritaankeeda”ayuu yidhi Cabdi Cumar oo ah siyaasi aanu mowduucan hor-dhignay.

Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Madaxtooyada, ayaa looga fadhiyaa tafaasiil cad iyo jawaab celin ku saabsan waxa uu ka ogyahay qorshahan daraasada lagu saleeyay ee lagu minja-xaabinayo madaxbanaanida Somaliland.

Hase ahaatee fal-celin loogama baahna Asxaabta Siyaasadda, wasaaradda Khaarajiga iyo dadka kullaaleyaasha ah ee ku xeeran xayndaabka maamulka, taasi waa sababta aanu u dooranay inaanu badka soo dhigno naaxiyada daraasadan oo hadii loo sii gundo daadego caadka ka qaadaysa arrimo badan oo huursan.

La soco qormooyin kale oo ku saabsan Daraasadan oo aanu si taxane ah idiinku soo gudbin doono qaabka ay u qorantahay iyo hadimooyinka ku duugan...

Waxa Diyaariyay Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com