Dhamaan waan salamayaa dadkayga reer Somaliland meel walboo ay joogaan waxaana ku hanbalyeynayaa horumarka nabad gelyada nimaadka wanagsan ee ay ku dhaqmaan.
Dhismaha wadooyinku waxay ka mid yihiin horumuudka kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, Xukuumada maanta uu hogaamiyo Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay wax badan ka qabatay dhanka wadooyiinka oo kamid ah kaabayaasha uu dalkeenu ka aradnaa, dhaqaajinta iyo hirgelinta sidii loo samayn lahaa wadooyinkaasi waxay xukuumadu u gashay dedaal adag iyo go,aan qaadasho aan gabasho lahayn.
Waxaan si fiican uga wada dheregsanahay Xeerkii Takaaliifta Wadooyinka markii madaxweynuhu usoo gudbiyey Golaha Wakiilada in Xildhibaano si cad uga soo horjeesteen taasna uu macnaheedu noqday inaanay doonayn in dalka la horumariyo, waxaa ka xuumaday dhamaan shacabka Somaliland waxaa se go,aan geesinimo leh dareenkooda ku muujiyey shacabka reer ceerigaabo balana ku qaadeen xildhibaanada diiday Xeerka horumarinta wadooyinka oo qaarkood laga soo doortay gobolka sanaag inaanay cag soo dhigayn gobolka maalinta ay yimaadaan la kulmi doonaan ciqaab adag.
Madaxweynaha JSL wuxuu xadhiga marka kale ka jaray qaar kamida wadooyin uu socday dhismahoodu sida Salaxley iyo Baligubadle , sida aynu ka wada dheehanaynay Warbaahinta munaasibadihii loo qabtay furitaanka wadooyinkaasi, dhamaan dadkii halkaasi ka wada hadkay waxay si siman oo hufan u sheegeen horumarka xukuumada madaxweyne siilaanyo , waxaana ay ku amaaneen dedaalka ay ugu jirto in qarankani noqdo mid ka midha dhaliya himiladiisa.
Dhismaha wadooyinka oo muhiimad weyn ugu fadhiya qaranka horumarkiisa nabad gelyadiisa iyo isu socodka bulshada ayaa waxaa nasiib u yeelatay dhaqaajintiisa iyo halw gelintiisa Xukuumada madaxweyne siilaanyo, waxaan ogsoonahay kaalinta ugu firin fircoon inay qaadatay Wasaraada Madaxtooyada waliba wasiir xirsi aanu habeen iyo maalinba ka seexan sidii uu hawlahaa u dhamanayn lahaa waana wax lagu amaano loogu mahad cel iyo laysna garab istaago .
Horumarinta iyo maamul daadejinta Dawlada Axmed siilaanyo waxay kor u qaaday in badan oo kamida bulshada reer somaliand, waxaana ay rajo iyo yididiilo wanaagsan geliyey quluubta malaayiin dad ah oo markii hore dalka ka shakisnaa, waxaa ay taabo geliyey ilaahay hala garab galee qarankan, waxaynu manta taaganahay in qarankeenii ay usoo buseylaan qaar kamdia wadamada aduunka ugu dhaqaalaha wanaagsan soona booqdaan si ay usoo arkaan.
Waa run cidkastaaba waa jeceshahay waxa wanaagsan oo qurux badan Somaliand waa Dal ka dhex ifaaya mandaqada Geeska Afriga, waxaana uu noqday cad ceed usoo baxday qaarada Africa , dunida waxaa mucjiso iyo layaab ku noqotay dalkan yar ee jira 23-ka sanadood kana soo kabtay burburkii iyo xasuuqii darnaa ee loo geystay halka uu maraayo inaanay gaadhayn wadomo ku yaalada qaarada Africa haday jiraan 100 sanadood oo danbe .
Cali Xasan