Saturday, November 22, 2014

Somaliland: Maxay daarran-yihiin howl-galada ka socda Sool ilaa Wajaale:Daawo

Laanta Socdaalka Somaliland oo howl-gal ka dhan ah Tahriibeyaasha ku eekaysay Xadka Itoobiya iyo Soohdinta SOOL


cambaro22Tog-Wajaale(GNA)-Laanta Socdaalka Somaliland ayaa howl-gallo ka dhan ah Tahriibeyaasha ka soo talaaba dhinaca Itoobiya ka sameeyay deegaamada Xadka ku teedsan.

Boqolaal Itoobiyaan ah oo u badan Qoomiyadda Oromada ayaa bil kasta ka soo gudba xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, sida ay sheegaan Bulshooyinka soohdimaha ka agdhawi, waxaana meelaha ay tariibeyaashu ka soo talaabaan ka mid ah Gobolada Gabiley iyo Awdal.

Howl-galkan Ciidanka Socdaalka sameeyeen, oo ay barbar socotay furista Xafiisyo lagula tacaalayo Tahriibeyaasha labada dal isaga gudba, waxa hogaaminayay Taliyaha

“hada laga bilaabo waxaanu heegan u gelaynaa sidii aanu dalka uga ilaalin lahayn wixii sharci daro ku soo gelaya dhankay doontaba ha noqotee” sidaasi waxa yidhi Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) oo ah Taliyaha Ciidanka Socdalka Somaliland oo ka hadlayay furitaanka xarun Laantu leedahay oo laga sameeyay Degmada Alley-baday.

 

Taliyaha Socdaalka Somaliland ayaa dhinaca kale, digniin u diray Gaadiidleyda labada dal isaga gudbiya tahriibeyaasha, oo uu sheegay in lagu ciqaabi doono, kuwaasoo uu sheegay in kaga madnuucayo Shaqada hadii lagu qabto iyagoo dad tahriibeyaal ah sida dhankay dooonaanba ha u wadeene.

“waxaanu u sheegaynaa Gaadiileyda, Gaadhiga lagu qabto isagoo dad tahriibinaya inaanay dib uga shaqayn doonin Dalka, maxkamaddna aanu deg deg u saari doono”ayuu yidhi taliyaha oo intaaasi raaciyay . “waxaan sharciga waydiisanaynaa in lala wareego Baabuurta soo hogaaminaysa dadka sida sharci darada ah dalka ku soo gelaya,, iyadoo aanay ka taxadirayno in dadkaas ay noogu soo dhex dhuuntaan cid nabad-gelyada aynu ku caano maalnay waxyeello geysanaysa”.

cambaroHaljan ka Daawo:



Geesta kale Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Sool oo isna maanta la hadlayay Warbaahinta Dawladda ayaa ka waramay howl-galo ay ka sameeyeen Xadka laga soo galo Somaliland ee dhinaca bari.

Taliye Siciid ayaa sheegay inay howl-galadooda waxyaabo badan ku qabteen.

Halkan ka daawo: