Friday, November 21, 2014

“Khilaafka Wakiiladu waa qorshe ay Xukuumadu ku doonayso Mudo-Kordhin..”. M/-xigeenka UCID

Hargaysa(GNA)- Musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Shalay ku fasiray xudunta khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka taagan qorshe gacan-ku-rimis ah oo dhabaha loogu xaadhayo muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,  waxana uu ka digay dib-u-dhac ku yimaada Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Golaha Wakiilada ee loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha Sanadka dambe, isagoo ka dayriyey dhex-dhexaadnimada ergada Golaha Guurtida ee Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) kaga garnaqayso khilaafka Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada.



 Musharax Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga ee UCID oo ka hadlayey Khilaafka ka dhex aloosan Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda, waxa uu yidhi; “Waxaanu u aragnaa khilaafka Golaha Wakiilada abaabul iyo mooshin gacan ku rimis ah oo laga keenay Madaxtooyada iyo guryahooda, xalka ay keenayso Golaha Guurtidu waxaanu u aragnaa inay mashruucan qayb ka tahay, khilaafka Golaha Wakiiladuna waa qorshe ay Xukuumadu ku doonayso Mudo-Kordhin Xaraan ah”.



Md. Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey; “Intii Xukuumadani xilka haysay Golaha Wakiiladu laba jeer ayey is qabsaday, waxa soo abaabushay Xukuumadda, waxaanu u aragnaa tii hore inay ahayd Sankaa Caanno laga keeni tana ay tahay Ciidamaan haystaa oo aan idin dul-keeni”.



Musharaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka hadlaya mawqifkiisa ku wajahan dhex-dhexaad-nimada Golaha Guurtida, waxa uu yidhi; “Shakiga aanu Guurtida ka muujinayno waxa weeyaan Guurtidu waxa ay jirta 21 Sano mar keliya xeer may celin, kana waxa ay uga dan-leedahay jiid-jiidasho iyo wakhti lumis, Saleebaan dhawr gar ayuu galay mid kastana waxa uu u xukamay Madaxwayne Siilaanyo, hadii Maanta Xisbiyo is qabtaan dhanka uu u xaglinayaa waa dhanka Madaxtooyada oo wax la aamini karo maaha”.



Dhinaca kale Cabdirashiid Xasan Mataan oo jawaab ka bixinaya khilaaf la sheegay inuu ka dhex jiro Xisbiga UCID, waxa uu yidhi; “khilaaf naga dhaxeeyaa anaga iyo Guddoomiyaha ma jirto, Guddoomiyuhu waa kii ka hadlay khilaafka Golaha Ciidanka la dul dhigayna cambareeyey, markaas warkaas bulshada lagu baahiyay waxaan u arkaa dacaayada raqiisa ah”.



Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan  oo ka hadlayey qorshaha Xisbiga UCID ku sixi karo khaladaadka ay dhaliilayaan haddiiba ay ku guuleystaan himiladooda hoggaaminta talada dalka, waxa uu yidhi; “Waxaanu hagaajin doonaa sharciga ay Xukuumadu burburisay siday danteeda ugu fushato, waxaanu ku talo-geli in aanu Miisaaniyada u kordhino, in aanu dabogal iyo la xisaabtan dhab ku samayno garooska laftiisa, Maanta rug kasta oo aad gasho waxa ku xidhan dad bilaa sharci ku xidhan oo la leeyahay hebel ayaa xidhay, anagu waxaanu ilaalin xuquuqda dadka rayidka ah, waxaanu dadka wax ugu qaban doonaa cashuurta laga qaadayo,waxaanu dhalinyarada u samayn doonaa garoon,waxaanu soo celin doona bilicdii dalka”.



Khadar H.Hussein



Hargeisa JSL