Daraasad cusub ee la sameeyay ayaa lagu falanqeeyay xidhiidhka ka dhexeyn kara hurdada caruurta iyo dabeecadahooda.
Yvonne Kelly oo ah madaxa daraasadan cusub ayaa iyadu sheegaysa in isbaddalada aan xadka lahayn ama kala duwan ee caruurta jiifkooda ah ay saamayn weyn ku yeelato habka uu u shaqaynaayo hoormoonada jirkooda,waxaana ay sheegtay Drsadu in isbaddalkaasi ku dhacaya hoormoonadu keeni karaan qallafsanaan ama dabeecad xumo uu qaado ilmaha yari.
Daraasadan ayaa lagu sameeye ilaa 10,000 oo caruur ku dhalatay dalka Ingiriiska intii udhexeysay sanadihi 2000 ilaa 20014.
Drsa,Yvonne Kelly ayaa ku boorisay waalidiinta in ay caruurtooda seexiyaan xilli hore kana ilaaliyaan waxyaalaha madadaalada ah sida daawashada aflaamta ama ciyaaraha , mana habboona ayay tidhi in caruurta loo shido TVga xilliyada ay dhawdahay hurdadoodu, waxayna ka digtay in xoog loo adeegsado jiifiska ilmaha.
Diyaariye:-C/qaadir Askar
Gobanimonews.com