Salaadiinta galbeedka Somaliland ,duqa degmada Borama saleban Xasan Xaddi, qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Borama iyo Haween ayaa maanta dhagax dhigay guri qasri ah oo uu yeellan doono ugaaska galbeedka Somaliland Ugaas C/Rashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Munaasibadda lagu dhagax dhigayay gurigan oo saaka ka dhacday isla xarunta loo qorsheegay in laga dhiso guriggan qasriga ah ayaa waxa ugu horrayn halkaasi ka hadlay salaadiinta gobalada galbeedka oo dhammaantood sheegay inay u mahad naqayaan qoska Cismaan Nuur (cansharaar) oo ugu deeqay ugaaska dhulka laga dhisi doono guriga qasriga ah.
Sheekh Maxamed Shiine oo ka mid ah culimada qurbajoogga ah ee ka soo gobolka Awdal oo isna goobta ka hadlay ayaa mahadnaq ka dib yidhi.” Anu waxan fariintayda u dirayaa dadka qurbejoogga ah oo ah dadka ugu muhiimsan ee aan rabno inay qasriggan ka qayb qaataan oo ay dhisaan,dadkii gudaha ku noollaa way iska xilsaareen oo jagooyinkiibay bixiyeen, ee dhankiinana inaad iska xil saartanbaa loo baahan yahay.”
Duqqa degmada Borama Saleban Xasan Xaddi oo ugu dambayntii madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in arritani tahay mid muhiim ah oo ay kusoo begantay xilliigii loo baahnaa islamarkaasi uu ku hanwayn yahay in si degdeg ah loo bilaabi doono. Munaasibaddan oo u muuqatay mid aanu ka madhnayn dhaqanku ayaa waxa lagu soo gunaanaday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqan ee uu gobolkani caanka ku yahay.
Mursal Elmi
Gobanimonews