Thursday, November 20, 2014

Gunta lagama jaro Geed haduu kuu Gabood yahay!!!

Waxaynu maalmahan lafa gurahaynay qiimaha ay nabadu u leedahay aadamaha iyo inaan laga maarmi karahayn marnaba hadii nabad lawaayana waxaa la waayeyaa nolosha dhamaanteed waayo waa laba cunsur oo isku xidhan isla markaana aan kala tagahayn oo aan lakala qaadi karahayn mana kala qaadmayaan cida kala qaadaana waa cid aan habeen jirin isla markaana aan garanahayn qiimaha ay nabadu u leedahay isaga laftiisa iyo aadamah dhamaantood oo aan laga kala qaadi Karin.



Waayo hadaad eegto diinteen macaan waxay magaceedu tahay islaam waa nadab galyo waa diin nabad galyo markastaba diinta islaamku waxay dhiira galisaa waa nabada iyo wada noolaanshaha umadaha xataa diinta islaamku waanay ogolayn in la waxyeeleeyo kana an islaamka ahayn ee muslimiinta ku dhex nool si bilaa dhibaato ahna kuula jooga, diinta islaamku xataa ma ogola in cayayaanka la wax yeeleeyo.



Sidaa oo ay tahay ayaa waxaa mudan in nabad galyada la dhawro oo la ilaasho lagana daayo wax kasta ooh agar daamaynaaya umada reer soomaaliland qodobka kaliya ee ay indho isku mida ku eegaan waa nabaa iyo siday u ilaashan lahaayeen kana ogolaan mayaan cid kasta oo isku dayda inay nabada kaga ciyaarto oo iyagoo dano kale raba shacabka beer lawaxsada, dadka reer soomaaliland way ka ilbexeen siyaasi aan marnaba dantood ka tujumahayn oo laba passport jeebada anbe ku sita markay silanaatana iskaga carara markay macaanaatana soo laabta.



Nabad galyada adaa kunoole iyadu kuguma noola waayo hadii nabad lawaayo cida dhibka iyo hooga danbarsanaysaa waa adiga dadwaynoow nimanka manta qabiilka micinsaday ee tolaayeey ay kaga dhagtayna dantiina kama turjumahaayo waayo qabyaalad iyo qaranimo ismaba galaan oo meel kama wada cabaane iska jira kaa isaga ah.



Hore u socodka iyo guusha uu manta horseedka ka yahay madaxwayneheena mudane silaanyo hadaad lagaran waysaan niman daasadaha garaacayoow ogaada meel ku gaadhi maysaan qabyaalad iyo tolaayeey.



Murti baa ahayd xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe, waxaan ka wadaa ragbaa jira manta guusha aan gaadhnay ka xajiimoonaaya oo ka naxsan hada reer soomaaliland sheeganahaya  waxaad is waydiinaysaa toloow nimankani maxay raadinayaa waa waydiin aan jawaab lahayn waayo hadaan is dhahno ujawaaba wax kale ayey noqon oo waa nabad diid, waa hore umar diid,waa dib usocod.



Waxaan lenahay walaalayaal guud ahaan reer soomaaliland aan nabada ilaashano aan isku tiirsanaano aan gacmaha is qabsano aan wada jirno oo aan mid ahaan sidaan awalba u ahayn ul iyo diirkeed, kuwa nacabka ahna waxaan leeyahay waar naadu idinkay dan idiin tahay oo madaxtinimo umada ka aadinaayee ka dayaa umada kala gurka iyo qabyaalad qudhunka ah eed la dhex wareegaysaan.



Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay gunta lagama jaro geed haduu kuu gabaad yahay.



W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)



EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com