Friday, November 21, 2014

‪Adeer waa Carab iyo Waa Gaal Isma qabatee Kala Daaya‬! {Sheeko Gaaban}

Qore: Xamze Siciid Kuuriya

10347615_704839102904714_7334382179106629535_nJawigu wuxuu ahaa mid caways oo waayel badan iyo dhalinyaro cawaynayaan halkaas oo ahayd meel maqaaxi ah oo ku taala meel magaalo ah, Xaaji Daacad waxa uu ka soo galay miiga oo uu ku noolaa muddo badan halkaas oo aanu waligii arag ama se maqal wax la yidhaahdo TV, waxa uu yaqaanay cawaysku inuu ahaa mid la wada sheekaysto oo lays dhaafsado doodo iyo sheekooyin nuxur iyo madadaalaba iskugu jirta.
Isla markii uu sidaa u soo fadhiistay maqaaxidii ayuu arkay dad wada maqan oo aanay cidna cid la hadlayn waa TV-ga waxa lagu miirka beelay ee lagu maqanyahay qof walba waxa uu dhuuxayaa waxa uu ku hadlayo ninkaas TV-ga ka muuqda
Waxa uu la yaabay dadkan ku wada miirka beelay waxan muraayada ka soo baxay
deetana odaygii daacadbaa waydiiyey mid ka mid ah Raggii meesha kula cawaynayay "adeer waxani waa maxay," markaasuu ugu jawaabay "waa Filim adeer" markaasu hadana ku celiyay "oo adeer waxan uu ku hadlayaana waa maxay" markaasuu ugu jawaabay waa "Carabi oo waa Nin carab ah oo Gaal ah!"
Odaygii intuu madaxa ruxay isagoo waji cadho ka muuqato leh oo uu mar kaliya fadhiga ka booday ayuu ku dhawaaqay " Adeer waa carab iyo waa gaal kala daaya isma qabatee miyuu English ku hadlo hadduu diinta ka baxay?!! intaas markuu yidhi ayuu isagoo cadhaysan ka baxay meeshii, Dadkiina Qosol mar kaliya isku dareen.



Dulucda sheekada
"Jaahilnimadu waa xuub maskaxda ku daboolma"


Hadaan faahfaahiyo micnahay xambaarsantahay murtidani waa qofku wuxu jaahilka ka yahay waa waxaanu arki karin maskax ahaan sidoo kale Jahligu waa dahaadh fuushan maskaxda bini'aadmka oo marba marka ka danbaysa ka Jafma markuu cilmi qofku korodhsadaba.

Email: qoraaxamze@gmail.com

Mobile: 4410163

 

Hargaysa, Somaliland