Mandheera(GNA)-Ugu yaraan 28 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badana waa lagu dhaawacay, Weerar hubaysan oo lagu qaaday Gaadhi Bas nooca Rakaabka qaada ah oo marayay deegaanka Cumar Jilicow oo u dhow magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Baska ayaa ku socday Caasimada Nairobi, ka hor intaanay weerar jidgooyo ah ku qaadin Dableydu.
Weerarka ayaa dhacay Hiirtii hore ee Saaka, waxaana geystay Dabley hubaysan oo la rumaysanyahay inay ka tirsanyihiin Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab.
Dableyda dilka geysatay ayaa lagu soo warramayaa in ay kala soocayeen dadka Muslimka ah iyo kuwa aan Muslimka ahayn, ayna dilayeen dadka aan Muslimka ahayn.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Kenya oo la xidhiidha Weerarkan, hase ahaatee Af-hayeenka Ururka Alshabaab Sheikh Cali Dheere ayaa Bayaan ururka ka soo baxay ku sheegay in weerarkaasi loogu aar-gudayay Dadkii lagu laayay Magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.
dadka la laayay ayaa u badan macallimiin bareyaal ka ahaa iskuullo ku yaalla Magaalada Mandhera.
Ciidamada Ammaanka ee Kenya ayaa baadhaya dableydii weerarka geysatay, waxaanay dhinaca kale ka qayb qaadanayaan daad guraynta Maydadka iyo dhaawaca weerarka.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com