Wasiir cukuse oo wasaaradii ka dhigay meel uu isagu leeyahay ayaa waxay haadan noqotay meel hoy u noqota khilaafyada wasaaradaha dalka ka jira,waxana haadan taagan khilaaf cakiran oo u dhaxeeya masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta,kaasi oo hadii si deg deg ah madaxtooyadu u soo kala gaadhi waydo laga dhaxli doono ceeb,aan ka hadhi xukuumada siilaanyo.
Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf cakirani ka dilaaco wasaaradda warfaafinta Somaliland balse waxa wasaaradda curyaamiyey khilaafyo is barkan oo ay ka dhaqaaqi wayday wasaaradda warfaafintu,dadka arimaha maamulka u dhuundaloola ayaa waxay sheegayaan in kala qaybsanaan ka dhex jirta xarunta madaxtooyada ee dalka looga arimiyo ay sabab u tahay in la kala saari waayo raga isku haysta hantida qaranka ee masuulka looga dhigay,waxa la isku haysto ayaa ah hantida umada ee ay masuulka ka yihiin oo mid kasta doonayo in uu isagu gacanta ku dhigo.
Ma cada in madaxweyne siilaanyo ka furdaamin doono masuuliyiinta faraqa iskula jira ee wasaaradda warfaafinta iyo in uu madaxweynuhu iska daawan doono khilaafka hadba soo mirkacaya ee wasaarada warfaafinta Somaliland?
By:Ayaan Maxamed Cabdi
Email:ayaanladan@gmail.com
Hargeysa/Somaliland