Sunday, November 23, 2014

Wadadii Baad- doonka aqoonsiga

W/Q: Hamse Bashe Muhumed

XAMSEIn kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho, khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan “Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.

Waxaa Somaliland jiritaankeeda kasoo wareegtay muddo hadda ku beegan 23 sanno waxaa jiray sando baddan oo ay ka dhacayeen dabaal degyo xusas iyo in Somaliland magaceeda iyo calankeeda kor loo qaaddo, waxaa soo maray maddaxweynyaal saddex ah oo bookhasho ugu bixi jiray sanad walba waddamo baddan oo caalamka ah, waxaa jiray dad aqoonyahano ah oo iskugu jira wasiiro iyo safiiro oo dawladahaasi u direen waddamo baddan si ay Somaliland qadiyadeeda u meel mariyaan, waxaa ugu dambaysay shirkii ka dhacay dalka turkiga ee Somaliland iyo somaliya isku geed fadhiisteen misana laga wadda hadlaayey xaalada taagan.

Haddaba su’aasha is weydiinta muddan ayaa waxay tahay Aqoonsi Miyaa la raadiyaa mise waa la kasbadaa?

In kasta oo aan jawaabta su’aashan u furaayo dhamaan dhalinta iyo shacabka Somaliland waxaan fikir ahaan aaminsanaha in aqoonsiga noocan ah ee Somaliland raadinayso misana dadku ay ku daaleen aanu ahayn kii la raacdayn jiray ee la daba geli jiray sida geel col qaaday ee uu yahay kii la kasban jiray, Haddaba su’aasha is weydiinta muddan waa sidee loo kasban karaa Aqoonsi? Ma in dadka lasoo shiriyo oo wax loo sheego, ma in kolba doorasho lacag badan ku baxaddo la qabto, ma in kolba nin cadaan ahi iskaga keen dhigo safiir waddan, Mise in waddanka la horumariyo oo dadku isku finlaado?

Waxaa xaqiiqadu tahay in aqoonsiga sida loo kasbadaa tahay in diinta, dadka iyo dalkaba la dhawro oo la horumariyo, waxaan halkan ku soo koobayaa qodobo keeni kara in aqoonsi aanu helno oo weliba aanu ku fa’aano


  1. Horumarinta Diinta islaamka ee aanu ku dhaqano

  2. Is adeecida Dadka dhexdooda iyo dawlada hogaanka inoo haysa (Laakiin hogaamiyaha aan dembi lugu adeecin).

  3. In aynu iska dhaafno Reergalbeedkan aynu xagooda u kacayno, oo Aynu aqoonsiga ka kasbano dawladaha islaamka.



4.In Aynu waddankeena horumarino oo aynu ka dayno khiyaamada iyo musqmaasuqa.


  1. In shacabku u calool furnadaan waxqabadka waddanka oo laga wada shaqeeyo shaqooyinka guud ee iskaa wax u qabso ah oo ay dadku ku da’dalaan sidii ay waddanka horumarkiisa qayb uga qaadan lahayeen ee aanay meel iska fadhiyin oo aanay xukumadda ku eegin.

  2. In xoriyadda Ilahay dadka siiyey isu dayno oo aan xoriyadda laga qaadin muwaadinka haduu khaldamayna khaladkiisa la tuso.

  3. in dadku dhexdooda isku nariistaan oo la is xaqdhawro

  4. in dawladeenu ku dedaasho sidii aynu uga maarmi lahayn waxa aynu dibada ka keensano siiba cuntada oo ugu mihiimsan.



Hadii aynu qodobadan ku dhaqano waxaa laga yabaa in aanu aqoonsi ku kasbano oo aanu helno ictiraaf, laakiin hadii aynu wakhti baddan iyo lacag baddan ku bixino in aynaa helin.

 

 

ALLAH MAHAD LEH

Hamse Bashe Muhumed

E-mail: xamse18@gmail.com