Saacid ayaa ku dheeeray guulihii ay ka gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminayey, wuxuuna sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaartay mudadii halka sano iyo dhowrka bilood ahayd ee ay jirtay guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay inay dowladdu horumar ka sameysay sida uu yiri dhinacyada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, wuxuna ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadoo muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.
“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladdawaxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”