Friday, November 21, 2014

Xisbiga UCID noqon maayo sida Xukuumadda Kulmiye?Q8aad

badmaax-300x270Qormadan maanta waxaan tilmaan ka bixin doonaa qorshaha xisbiga ucid ugu talo galay wasaarada arrimaha gudaha oo xukuumada kulmiye u rogay seefta shacabka madaxa kaga jaro,kuna dulmiyo xoriyada muwaadinka,una adeegsata cabudhinta iyo caga-juglaynta shacabka.

Xisbiga UCID waxa ugu jira qorshaha inuu wasaarada arrimaha gudaha dib ugu soo celiya hawlaha ay xil saarantahay,wasaarad u adeegta dalka iyo dadka,lagana saaro habkan awooda ciidan ee ay xukuumada kulmiye ku fushato.Xisbiga UCID waxa uu habkaa ku bedeli doonaa awooda inuu shacabku yeesho oo ay wasaaraduna noqoto mid u adeegta shacabka oo fulisa rabitaanka shacabka iyo hawlaha ay muwaadiniyiinta u hayaan.Waxa kale oo la laali doonaa dhamaan xeerarka ay xukuumada kulmiye u samaysatay inay ku dabarto xuqa suxufiga,kuna dulmido xuquuqda muwaadiniyiinta gaar ahaan xeerka amniga ee ay xukuumada kulmiye u samaysatay xakamaynta xoriyatal-qawlka,xaqa muwaadinta iyo dhaqdhaqaaqa shacabka.

Xisbiga UCID waxa uu boliska u furi doonaa taba-baro lagu bari doonaa hab-dhaqanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka,waxa kor loo qaadi doonaa tayada iyo aqoonta boliska,waxa kale oo la bari doonaa asluubta iyo hab-dhawrka loola xidhiidho muwaadiniyiinta.

Xisbiga UCID waxa uu isbedel ku samayn doonaa siyaasada ay wasaarada a.gudaha la leedahay madaxdhaqameedkan ay xukuumada kulmiye gashatay kaalintii xisbiyada qaranka iyo golayaasha baarlamanka,madaxdhaqameedku waxay bulshada u hayaan hawl loo igmaday iyo adkaynta nabada, markaa waxay ku ekaan doonaan hawlahaas,waxaana laga saari doonaa xayndaabka siyaasada ee ay ku dhex milmeen.

Xisbiga UCID waxa uu dhamaan meesha ka saari doonaa siyaasadan xuurtaysan ee ay xukuumada kulmiye ku hawl geliso wasaarada a.gudaha,waxa wasaarada dib loogu soo dabaali doonaa hawlaheeda dhabta ah.Xisbiga UCID waxa……

La Soco………….

Xuseen Xasan Badmaax

Human Rights Secr.

UCID

0634026100

Hargeysa/JSL