Hargeysa(GNA)-Hal qof ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay, kaddib markii ay isku dhaceen dad gadoodsan oo ka cadhaysan amar ka soo baxay taliska Booliska oo lagaga rarayo dhismeyaal ku yaalla agagaarka Bangiga weyn ee Dahabshiil iyo Bilaysku.
Taliyaha Bilayska ayaa la sheegay inuu qoysas u badan askar oo degen Lineka Bilayska qaybta ka dambeysa Bangiga Dhexe iyo kan dahabshiil ee cusub , ku amray inay isakaga guuraan halkaasi, kaddib markii laysku khilaafay qaabka dadkaasi looga rarayo Dhulka ay degenyihiin oo ka tirsan Garoonka Line-ka Booliska, dhinaca dambena kaga gedaaman Bangiga Shirkadda.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in gacan ka hadal dhex maray Bilayska iyo shacbiga gadoodsan, isla markaana Dhismaha cusub ee Bangiga khasaare ka soo gaadhay Dhagaxaan iyo waxyaabo kale oo ay rayidka kala hortageen askarta.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Bilayska oo ku saabsan rabshadan, oo ay dadka sameeyay wax ka saarayaan isaga, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in goobta la keenay Ciidan tiro badan oo markii dambe rasaas ku kala dareeriyay dadka.
Qofka waxyeeladu ka soo gaadhay iskudhacan ayaa la sheegay inuu ahaa Gabadh yar oo Cunug ah, taasoo ay isla jiidheen dadkii Bilayska iska difaacayay.
Tiro dhalinyaro ah ayaa sidoo kale la sheegay in boolisku xidh-xidheen.
Wararka kale oo dadka gadoodsan qaarkood laga helay ayaa sheegaya in Taliska Ciidanku ku fashilmay dhexdhexaadin uu ka dhex waday qoysaska ciidanka ah ee meesha degen iyo Shirkadda, hase ahaatee uu ku kacay arrin loo arkay cadaalad daro oo aan dhexdhexaad ahayn.
Qoysas u badan Ciidanka Bilayska tiradoodu ka badan tahay Boqol qoys, ayaa degen Kaamboolka Line-ka Bilayska oo sanadahan suuqyada hareeraha ka maraa ku baydhayaan.