Isimada iyo waxgaradka kale ee reer Buuhoodle, oo Warbaahinta soo gaadhsiiyay Qoraal cabasho ah oo ay ku soo qodobeeyeen, dulucda eedeymaha ay u jeediyeen Wasiirka ayaa dhinac kale ku doodday in Wasiir Xaglo-toosiye bishii u Shaqadii ka joojiyay Urur bulsho oo muddo dheer gacanta ku hayay qayb ka mid ah Adeegyada Caafimaadinta Hooyada iyo Dhalaanka, kaasoo gacanta ku hayay xannaanada dhexe ee Magaalada, halkaasoo intii Ururka ESCODO Maamulayay lagu tanaaday adeegyadeeda.
Waxa ay sheegeen inuu Wasiir Xaglo-toosiye doonayo inuu Mashaariicda Ururkaasi ka helo Hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland iyo kuwa Maxaliga ah ku wareejiyo NGO-yo aan Gobolka Degenayn oo uu isagu wato, kuwaasoo uu damacsanyahay inuu ku leexsado daawooyinka iyo agabka kale ee ay Hay’aduhu siiyaan.
Xubnaha u hadlay Shacbiga reer Buuhoodle waxa kale oo ay wasiirka ku eedeeyeen inuu wado qorshe uu mucaawimooyinka MCH-ka buuhoodle la siiyo ugu wareejinayo Cisbitaalka Buuhoodle ku yaalla ee uu gaarka u leeyahay.
Ma jiro wax jawaab celin ah oo ka soo baxday Wasiir Saleeban Ciise Axmed oo aanu xalay Telefoonkiisa gacanta kala xidhiidhnay si aanu eedeymahan loo jeediyey wax uga waydiino dhiniciisa, balse baaqa ay soo saareen hormuudka Bulshada deegaanka Buuhoodle ayaa isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:
“Bismilaah anagoo ah Wax-Garadka Iyo Aqoonyahanka Buuhoodle waxaan halkan mahadnaq ugu jeedinaynaa haayada UNICEF iyo NGO escodo waxaan mar labaad u mahad celinaynaa masuuliyiinta ka hadashay dareenka degmada Buuhoodle, gaar ahaan;
- Xildhibaan Osmaan faarah Warsame (Jiciir)
- Aqoonyahan Ahmed Cabdillaahi Hangool
Hadaanu nahay aqoonyahanka Buuhoodle waxaan aad iyo aad u cambaaraynaa kana soo horjeedna Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Saleeban Ciise Xaglo-toosiye kadib markii uu ka soo hor jeestay nabada iyo hurumarka buuhoodle iyo isagoo lunsaday Caawimooyinkii iyo wax-qabadkii buuhoodle oo ka mid yihiin;
- Raashinkii turkigu uu buuhoodle ugu deeqay oo dhamaa tirro ahaan 7500 oo kiish kuna iibiyey badhtamaha magaalada Burco,
- Askartii ama Ciidankii loogu talogalay Degmada Buuhoodle oo tiradoodu ahayd 300 oo Askari looguna talogalay is dhexgalka bulshada bariga iyo galbeedka buuhoodle iyo xasiloonida iyo nabadgelyada iyo is dhexgalka bulshada ciidankaas oo haba yaratee wax soo dhaafay Wasiirka jeebkiisa aanay jirin oo uu mushaharkoodana ku qaato hargeisa.
- Cuqaashii iyo Saraakiishii ka tegay buuhoodle ee u tegay wax-qabadka iyo hurumarka buuhoodle markii ay arinkaas kala hadleen uu ugu bedelay xadhig iyo darxumo badan oo ay kala kulmeen intay u fadhiyeen arimahaas buuhoodle, taasoo ay ku keliftay inay baabuurtii ay wateen ay iibiyaan qaarkoodna siiyaan hoteeladii ay ku jireen iyo xadhigii oo ku iibsadeen .
- Barnaamijkii Caafimaadka ee Degmada Buuhoodle ee lagu talo-galay sida daawadii cisbitaalka iyo Xanaanada (MCH) oo lagu iibinayo suuqyo gaar ah, Wasiirkuna uu ka furtay Ganacsi gaara. Qalabkii Caafimaadka uu geeyey buuhoodle uu dhigtay cisbitaalka isaga u gaara qalabkaas oo ay ka mid ahaayeen Sariirihii iyo furaashyadii iyo agabyo kale oo badan oo hada tiradooda halkan lagu soo koobi Karin.
- Shaqaalihii loogu talo galay adeega caafimaadka ee buuhood kuwaas oo ah qaar xirfad u leh barnaamijka caafimaad oo laga fadhiisiyey adeegii ay u hayeen bulshada ilaa hada cid loogu soo bedelayna aanay jirin.
- Ururka Maxaliga escodo (NGO) oo wax qabad wayn ka muujiyey degaanka buuhoodle dhinacyada caafimaadka iyo gacan qabashada dadka dan-yarta ah sida agoomaha wayeel, naafada iyo cid kasta oo jilicsan NGO escodo waxa uu ka haqab tiray dadwaynaha degaanka buuhood NGO waxa uu buuxiyey kaalintii lagu lahaa Wasaarada Caafimaadka, sidaa darteed Wasiirka Caafimaadku wuxuu u tafo-xaytay ururada ka shaqeeya caafimaadka siduu uu u isu hortaagi lahaa barnaamijka adeega caafimaadka aya wadaan NGO-ga ESCODO, taasoo ay ka mid tahay inuu u qoro qoraal hay’ada UNICEF kuna amray kaga joojinayo hawlihii ay fulin jirtay una haysay bulshada buuhoodle, taas oo aynu kor ku soo xusnay.
FIIRO GAARA
Hadaba hadaanu nahay Aqoonyahanka Iyo Cuqaasha Reer Buuhoodle waxaanu mar labaad iyo Sadexaad u sheegaynaa cid kasta oo ay khusayso ama danaysa buuhoodle in aanu Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Xagla-toosiye metelin Buuhoodle, waxna loogu dhiibi Karin Buudoolde waxna aanu nooga masuul ahayn Saleeban Ciise Xaglotoosiye
Magacyada dadka soo qoray maqaalka
- Xildhiaban Abdi Cabdillaahi Xaashi
- Xildhibaan Qaasim Fakar Ahmed
- Xildhibaan yuusuf Cabdilaahi (Hangool)
- Xildhibaan Mohamed Jaama Biixi
- Ganacsade Cabdirisaaq Osmaan Mohamed (Dhego-fiiq)
- Caaqil Cabdilaahi Yuusuf (Kooreeye)
- Oday Yuusuf Osmaan Baxanaan
- Oday Cumar Barkadle Afrax
- Oday Cismaan Mohamed Saleeban
- Oday Cilmi Mohamed Osmaan
- Aqoonyahan Aadan Abdi Muuse
- Oday Abdi-farax Abdi Awil.
- Ganacsade C/risaaq Osmaan Mohamed (Dhago-fiiq)”