Hargeysa(GNA) Ergada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku dhawaaqay go'aan ka kooban toban qodob oo hab maslaxadeed loogu soo afjaray Khilaafka soo noqnoqday ee ka dhexeeyay Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada ee Muxaafidka iyo Mucaaridka u kala qaybsamay.
Go'aanka ayaa ahaa mid labadii Maalmood ee ugu dambeeyayba la wada sugayey, hase ahaatee Ergada Guurtidu waxay door-bideen inay ku shaaciyaan Fadhiga Golaha la soo doorto oo ay labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay isugu keeneen.
Qaraarka Guurtidu ku dhexdhexaadisay dhinacyada Wakiillada, ayaa meesha kaa saaraya in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Shir-guddoonka Golaha siiba , Guddoomiyaha oo markii ugu dambeysay Miiska la soo dhigay mooshin lagu ridayo.
Sidoo kale qodobada Ergadu keentay waxa ka mid ah inaan Xeerka Muranka dhaliyay ee Diwaan-gelinta Medeniga iyo Codbixiyeyaasha lagu soo celin Wakiillada ee ay Golaha Guurtidu waajibkooda ka gutaan, inkastoo Guddoomiye Cirro la saaray Eeda ah inuu Xeerkaasi haab qaldan u soo gudbiyay.
Qodobada kale ee ku jira Qaraarka Golaha Guurtida waxa ka mid ah in Kal-fadhiga Golaha Wakiillada ee todobaadkii hore u baaqday muranka labada dhinac laga bilaabo Maanta uu furmo, goluhuna si habsami ah u guto howlaha shaqo ee u yaalla.
Hogaamiyeyaasha labada garab ee Khilaafku ka dhexeeyey, oo kala Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Cirro iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo dhaweeyay go'aamada, waxaanay ku tilmaameen Heshiis Masaalixa oo ah Sharci ahayn.
Labada dhinac ayaa sheegay inay ku qancayaan, isla markaana xaglin kasta oo lagu sameeyay, uga tanaasulayaan danaha Qaranka, iyagoo ixtiraamaya Shacbiga iyo masaaliixda guud ee dalka.
la soco Qodobada Qararka oo goor dhow...