(GNA)Saynisyahanno Ingiriis ah, ayaa masxada bina’aadamka u isticmaalay qalab lagu eego oo la yidhaa Scan-ka, si ay u ogaadaan qaybta maskaxda ee go’aamisa in shaqsigu qof kale jeclaan karo iyo sida uu maskaxdiisa u degi karo.
Daraasaddan oo ay fulisay Kuliyadda Trinity College ee Jaamacadda Dublin oo ku taal waddanka Ingiriiska, ayaa soo jeedisay in unugyada dareenka ee farriimaha dira oo ku xoogganaada qaybo ka mid ah maskaxdu saadaaliyaan waxyaabaha qofku jeclaan karo, iyagoo si degdeg ah farriinta u dira.
Cilmi-baadhistani waa tii ugu horraysay ee loo isticmaalo bina’aadamka si loo eego qaabka maskaxdu u qaadato go’aamada degdegga ah ee ay ruux kale ku jeclaato.
Culimada diyaariyey cilmi-baadhistan oo uu hoggaaminayey Jeffrey Cooper oo cilmi-nafsiga ku takhasusay, waxay baadhitaanno ku sameeyeen maskaxaha 39 qof oo si mutadawacnim ah uga qaybgalay daraasaddan oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Khubaradu waxay wiilasha iyo gabdhaha ay baadheen mid kasta tuseen sawirradooda, kuwaasoo aakhirkiina weydiiyey xilliga ay jecel yihiin inay kulmaan, kadibna waxay siiyeen shan daqiiqo oo ku wadahadlaan, sidoo kalena waxay daawadsiiyeen sawirro aad u qurux badan oo rag iyo dumar isugu jira, waxaanay si degdeg ah u weydiiyeen inay jecel yihiin inay dadkan la kulmaan.
Baadhitaankaas waxay khubaradu ku ogaadeen in dadka qaar jacayl dhab ah isu qaadeen waqtigii ay wada fadhiyeen oo aad koobnaa.
Saynisyahannadu waxay baadhitaankooda ku xaqiiqsadeen in qayb ka mid ah maskaxda bani’aadamku ay go’aamiso in qofku shaqsi kale jeclaan karo.
Qaybta maskaxda ee la yidhaa Dorsomedial Prefrtontal Contex oo ah qaybta maskaxda ee ka sarraysa dhafoorka amma indhaha ayey sheegeen cilmi-baadhayaashu inay go’aamiso in qofku jeclaan karo aragtida ugu horreysa ee shaqsi uu arkay.
Dr. Cooper oo la hadyayey LiveScience mareegta la yidhaa ayaa isago arrintan faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Maskaxda qaybta indhaha ka saraysa ayaa qiimaysa qofka aad jeclaan karto, taasoo si degdeg ah kuugu hoggaamisa inaad xidhiidhkiisa sii waddo amma daydaydo si aad nolosha ula wadaagto.”