siyaasiyiintan oo tiradoodu kor u dhaaftay ilaa 20 siyaasi oo iskugu jira wsiiro,badhasaabo,agaasimayaal iyo xoghayeyaal waxay hadalo ay ka jeediyeen goobta waxay ku sheegeen inay ku fahilmeen halgankii ay ugaleen sidii uu xisbiga kulmiye u helilahaa kursiga ugu sareeya dalka ee madaxtooyada,iyaga oo xusay inuu lumay hankoodii ay ka qabeen hogaaminta madaxweyne siilaanyo uhana diray madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisa inay sida ugu dhakhsaha badan u qabato dooraho xora.
gudoomiyaha xisbiga waddani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland, mudane c/raxmaan maxamed c/laahi ayaa isna dhankiisa soo dhaweyn ka dib wuxuu fariin ku aadan doorashada u diray madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisa isaga oo sheegay in ay dhawaan ay xisbigiisa ku soo biiridoonaan masuuliyiin xilala ka haya xukumada siilaanyo.
si kastaba ahaatee siyaasiyiinta ayaa noqonaaya masuuliyiintii ugu miisaanka cuslaa ee ka soo diga rogta xukuumada siilaanyo kuna biira xisbiyada mucaaridka ah iyada oo tanina ay dhabar jab weyne ku keenidoonto xukuumada siilaanyo iyo xisbigeeda kulmiye, oo hada la daalaa dhacaaya kalsooni daro shacab.
mustafe Axmed (Herer).
Gobanimonews.com
hargaysa/somaliland
Daawo sa wirada..