Friday, November 21, 2014

Guddoomiye Cirro Oo Iska Difaacay Eedaymo Uga Yimi Xukuumada

[caption id="attachment_76538" align="alignleft" width="300"]Guddoomiye Cirro Guddoomiye Cirro[/caption]

Hargeysa(GNA)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Shalay iska difaacay eedaymo uga yimi Xukuumadda talada haysa iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ku xidhiidhiyey inuu qeyb ka yaay dib-u-dhac ku yimaada Doorashooyinka iyo khilaafka dalka ka aloosan.



Guddoomiye Cirro waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyey Shabakadda Hadhwanaag, kaasoo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan marxalada uu dalku marayo iyo Arrimaha Doorashooyinka.



Ugu horreyn Guddoomiye Cirro oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey halkay ku dambaysay khilaafkii ka dhashay tallaabadii Xukuumaddu ku farogelisay Golaha Wakiilada, waxa uu yidhi; “Shacbiga reer Somaliland iyo Caalamkuba wuu la socday wixii ka dhacay Golaha Wakiilada, wuxuu ahaa inqilaab Miletari oo lagu qabsanayey Golaha Wakiilada, hase-yeeshee arintaasi halkay maraysaa waxa weeye in Guurtidu ay dhex gashay, markaa arrinkii wuxuu la yaalaa Golaha Guurtida oo laga sugayo inay soo saaraan natiijadoodii ilaa Sabtida, si Golihi u furmo, halkaa wixii khasaare ka dhacay iyo dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmayba waxay ahaayeen dad aan hubaysnayn oo Shacbi ah oo dareenkooda muujinayey oo lagu isticmaalay Rasaas iyo cudud xooggan, sidoo kalena Ciidan aanu u baahnayn lagu isticmaalay Gole furmaya oo gudanaya shaqadiisii caadiga ahayd, taasi waxay ahayd wax ka argagixiyey indhaha Shacbiga reer Somaliland iyo Caalamkaba, waxan’se rajaynayaa in aanay dhacdooyinkaasi dib inoo soo noqon”.



 “Shacbigana naxdin bay ku ahayd, Saaxiibada Somaliland ee Caalamkana naxday ku ahayd, runtii wey ka xun yihiin, xidhiidhkana wey sameeyaan Xukuumaddana wey la xidhiidhaan anaggana wey nala xidhiidhaan, waxaanu jecel nahay inay mar walba Nabadi Somaliland ka jirto, laakiin mararka qaarkood ay haddii Xukuumaddu Nabadda xumaynayso wey adkaanaysaa, waxaanay ka nixinaysaa Shacbiga iyo Guddiga Caalamkaba, waxaanu guud ahaan Shacbiga ugu baaqaynaa Nabadgelyo, dareenkooda’se xaq bay u leeyihiin inay u muujiyaan si nabadgelyo oo salmi ah”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo ka jawaabayey siday Dalalka daneeya qaddiyada Somaliland u arkeen Shaqaaqadii ka dhalatay khilaafkaas.



Md. Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaabayey eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ugu soo jeediyey inuu qeyb ka yahay dib-u-dhigista Doorashada, isla markaana Muuse Biixi ku sheegay in Xisbigiisu sabab u ahaa inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxa uu yidhi; “ ta hore ee Doorashada dadku ma indho la’a, mana Caqli la’a, Doorashadu waxay ku xidhan tahay in Guddigii Doorashada la ansixiyo, Golaha Wakiilada oo fasax ku jiray waxaan ugu baaqay fadhi aan caadi ahayn, hase-yeeshee Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE Mudaneyaasha taageerayey waxay ugu baaqeen in aanay tegin oo aan la ansixin Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Doorashaanu qabanaynaa iyo Guddigii Doorashooyinka la ansixin maayo waa laba wax oo aad u kala fog, markaa is-hortaagaa waxa sameeyey KULMIYE iyo Xukuumadda, Maanta weli lama ansixin markaa ciddi lama wadaagto dib-u-dhaca oo wey cadahay. Ta ku saabsan wax-ka-dhigida waxay ila tahay laba Xisbi oo xulafo noqday baanu ahayne cid cid wax ka dhigtay ma jirin, haddii cid wax laga dhigay waxaanu is leenahay KULMIYE ayaad wax ka dhigteen”.



Ugu dambeyn mar uu Guddoomiyuhu la hadlayey Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxa uu yidhi; “Guud ahaan Xildhibaanaddu waa Xildhibaanno Qaran oo aan Oday u wada ahay, Xildhibaanada dareenkoodaa wax la isku dayo in lagu dirqiyo iyo si kastoo la is yidhaah u adeegsadaa xukumaya waxa ka weyn Shucuurtooda ay Xildhibaanaddu ku metelayaan Shacbiga, markaa waxaan ku kalsoonay inay Xildhibaanaddu ilaalin doonaan karaamadooda Shakhsiga ah iyo Golahaba, marka dambe wixii danta umada ahna la isugu iman doonaa oo uu xalku noqon doonaa”.



 Khadar H. Hussein



Hargeisa JSL



[caption id="attachment_76538" align="alignleft" width="300"]Guddoomiye Cirro Guddoomiye Cirro[/caption]