Saturday, November 22, 2014

UCID iyo WADDANI oo uu bur-buray Heshiiskoodii Is-bahaysiga Mucaaridnimadu.Daawo

UCID: Kursiga Cirro ku fadhiyaa afar sanno ayuu naga Maqanyahay” DAAWO


Labadan Xisbi keebaa Miisaan culus Xilligan Dabaysha Doorashadu ina hayso?Warbixin GNA +Muuqaal

UCID IYO WADDANI]Hargeysa(GNA)-Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga UCID, Jiir Cali Madoobe ayaa warbaahinta dawladda ka sheegay hadal kala qaybinaya xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland oo beryihii u dambeeyay iskaashi siyaasaddeed oo guud ka dhexeeyay.

Ninka u hadlay UCID, wuxuu si weerar ka muuqdo u sheegay inay xubin cusub oo u buuxisa kursiga Baarlamanka soo magacaabanayaan, isagoo dhinaca kalena sharci daro ku tilmaamay Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee xisbiga Waddani.

“ beryahan dambe waxa la maqlayay Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada oo warbaahinta laga sheeganayo. Waxaan umadda Somaliland u sheegayaa inaanay jirin Xildhibaano xisbiga Waddani ku leeyahay Golaha Wakiillada maadaama aanu gelin Doorasho Baarlamaani ah, markaa ma jiraan Xildhibaano waddani ee sifo sharci daro ah ayaa lagu sheeganayaa”

Xisbiga UCID isagoo dul-qaadanay, isagoo eegaya danta iyo Maslaxada nabad-gelyada iyo jiritaanka Somaliland , waxa uu guddoonsaday inuu Gudoomiyaha Golaha Wakiillada miciinsado, maadama oo waxba nalooga qaban waayay arrintaasi”ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo ka hadlayay Telefishanka Dawladda.

Halkan ka daawo:



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga Waddani oo la xidhiidha eedeymaha uu u soo jeediyay Sarkaalkan Xisbiga UCID ka tirsanaa tobankii sanno ee u dambeeyay, kana mid ah dadka xisbigaasi la soo jabay ilaa wakhtigii uu Guddoomiye Cirro ka faliidhmay, isla markaana mar walba la jiray dhanka Faysal Cali Waraabe.

Hase ahaatee ifafaaleyaal siyaasaddeed oo ka muuqda Xisbiga UCID muddooyinkan dambe ayaa iftimiinaya isbedel ku yimi isbahaysigii uu kula jiray Xisbiga Waddani tan iyo bilowgii sanadka. Kaasoo lagu gaadhay heshiis is-kaashi oo dhex maray bilowgii guga.

Laakiinse marka la eego labada Xisbi Miisaankooda siyaasaddeed ee wakhtiga , Xisbiga waddani ayaa hantay Kaalinta cidhiidhsiga Mucaaridnimada xukun doonka ah ee mustaqbalka dhow, halka xisbiga UCID ay sii durugtay rajadii uu ka qabay inuu hogaaminta dalka qaban doono shanta sannadood ee soo socda,maadaama oo aanu marna talada qaban tan iyo markii uu saaxada xisbinimada soo galay.

Tan, ayaa lagu sababayn karaa talaabada xisbiga UCID uu hada u gujo-gujaynayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha WADDANI oo la legdamaya Loolan Kursiga Baarlamankan oo loo qoonsaday la doonayo in lagaga qaado, kaddib markii ay Xukuumadda damaqday dabaysha Mucaaridnimo ee Xisbigiisu ugu diyaar-garoobayo Doorashada soo socota.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonew.com