Monday, November 3, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u u difaacay Madaxbanaanida Soomaaliya, maxayse daarantahay?

Xasan Sheikh: “Xaqdhowrka Madaxbannaanida Soomaaliya waa lama taabtaan”

[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]

Muqdisho, 3 November 2014 –(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay Xaalada Soomaaliya, waxaanu qeexay baahida uu waddanku u qabo inuu cagihiisa isku taago.

Bayaan Jeediyey Maanta oo Isniin ah, ayaa madaxweynuhu ku faahfaahiyay Marxalka Dalku marayo, ayaa waxa uu sidoo kale si dadban oo saluug siyaasaddeed ka muuqdo uu uga hadlay curyaamin kasta oo ku timaada Geedisocodka nabadeynta iyo midnimada waddanka.

Beyaanka ayaa kagu yiri sidan:-“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan qirayaa dhammaan inta wakhti muhiim ah iyo hanti badan gelisay in ay Soomaaliya ku caawinto in ay gaarto guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno.

Labadii sano ee na dhaafay, iyada oo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka, Baarlamaanka iyo beesha caalamku, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaarnay sii waditaanka isbeddelka annaga oo culeyska saarnay asaas-dhiga iyo u gogol xaaridda xasilinta dalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya AMISOM, wuxuu hoos keenay maamulka Dowladda 80% dhulkii Shabaab haysateen. Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xiriirka Soomaaliya ee beesha caalamka, xoojisay cilaaqaadka dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, waddadana u xaartay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub ayada oo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna.

Waxaa aaad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Sidoo kale, waxaa nagu weyn in Soomaaliya loo daayo in ay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii ay Soomaaliya aqbalaysay in ay qayb ka ahaato heshiiska Hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay in uu ku saleysan yahay mabaaddii’da Iskaashiga ee ku cad Hindisaha Soomaaliya, kaas oo ay markhaati ka ahaayeen ayna ansixiyeen ka qeyb galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee ka wada qeyb galay Shirkii Brussels ee September 2013. Mabaaddii’da iskaashigu waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Soomaalidu hagayso, Soomaaliduna ay leedahay – ha ahaado mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho.

Waxaan hadda ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaqdhowro. Waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka iyo shuruucdeenna.

Waxaan mar kale u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka ka go’an tahay Higsiga 2016, si loo xaqiijiyo in Dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in Federaalka la dhammaystiro iyo u diyaargarowga doorashada 2016 uu xowli ku socdo. Ma diidsanin in howl badan ay na sugeyaan, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay. Si kasta oo xaaladdeennu u qallafsan tahay, wax qabasho la’aan, dhinaca ay doonto ha ahaatee, lama aqbali doono.

Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.”.

Soomaaliya oo ah waddan 23 la daalaadhacayay Colaado ehli ah iyo kuwo ku qotoma mabaad’’i kale oo siyaasi ah, ayaa haatan ka soo kabanaya bur-burkii ka soo gaaray dhibaatooyinkii kala duwan.

Gooni-isutaaga Somaliland

Somaliland waa mandaqad Somaaliya ku biirtay 1960-kii, kaddib markii ay Xoriyada ka qaadatay Dawladda Ingiriiska, inkasta oo ay 30 sannadood ka mid ahayd Jamhuuriyada Soomaaliya ee hada nidaamka federaalka loo sameeyey, waxay madaxbanaanideeda inay la soo noqotay ay ku dhawaaqday 1991-kii.

Gooni-isutaaga Somaliland ay shacbigu go’aansadeen, ayaan wali helin aqoonsi caalami ah iyo Ogolaanshiyo dawlad soomaaliyeed, waxaanay maqnaanshiyaha Somaliland iyo bilowshiyo la’aanta isfaham u dhexeeya Sooomaaliya uu qayb ka yahay caqabadaha horyaala Dawladda Xasan Sheikh Maxamuud iyo saaxiibeyaasha labada dhinac.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com