Hargeysa(GNA)-Bulshada reer Somaliland iyo dadka daneeya dedaalka dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, ayaa isha ku haya xadhigga qaar ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland oo Xukuumaddu sifo aan sharci ahayn u xidh-xidhay laba toddobaad ka hor.
Eng. Qaasim Ismaaciil Xasan, oo ka mid ah laba dhallinyaro ah oo xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay laba toddobaad ka hor ah, ayaa xadhiggiisu waxa uu dareen galiyey bulshada daneeya dedaalka dhallinyarada wax bartay ee ka shaqeeya horumarinta dalka iyo dadkooda, gaar ahaan Caasimada Hargeysa oo Eng. Qaasin ka mid ahaa dhalinyaro isu xil qaamay wax-ka-qabashada duruufaha ku gedaaman Dhalinyarada ku dhaqan Wadanka.
Iyadoo aanu ilaa hadda jirin dembi lagu xidhiidhiyey Xadhiga Eng. Qaasin, ayaa sida lagu ogaaday baadhitaan saxaafadeed waxa xilli habeennimo ah gurigooda kala baxay Ciidamada loo tababaray la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaanno RRU-da, kuwaasi oo iyaga oo aan wax baadhitaan ah ku samaynin ku xidhay saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu 15 Maalmood ku jiro, iyada oo aan wax Maxkamad ah la hor-geynin, halalkii ay ka ahayd in sharciga lagu hor-geeyo muddo 48 Saacadood ah, haddiiba uu jiro wax kiis ah oo loo haystaa.
Qaasim Ismaaciil Xasan, xadhiggiisa ka dib waxa eedaymo aan jirin saxaafadda mariyey nin sheegtay inuu yahay Ugaaska dhallinyarada, kaasi oo sheegay in dhallinyaro Qaasim ka mid yahay oo doonaya inay qabtaan shir lagaga hadlayo danaha da’yarta Somaliland, ay dhaqaale ka soo qaateen dawladda Soomaaliya. Hasa-yeeshee baadhitaan dheer ka dib, waxa la ogaaday in ninka eedayntaasi ka soo yeedhay uu qadar lacag ah ka qaatey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo isagu si shaqsiya u xidhay aqoonyahan Qaasim Ismaaciil Xasan. Taasina waxay caddaatey ka dib, markii Wasiirka Arrimaha gudaha oo laga codsaday inuu sii daayo, uu sheegay inuu Xisbiga WADDANI u ololeynayo, sidaa daraadeed xadhiggiisu yahay cadaadis shakhsiya.
Baadhitaanka saxaafadeed, ayaa waxa kale oo lagu ogaaday in sababta ilaa hadda Qaasim loo hor-geyn la’yahay Maxkamadaha sharcigu ay la xidhiidho in laamaha Mukhaabaraadka Somaliland u waayeen wax caddeyn ah, isla-markaana ay door bideen inuu u sii xidhnaado, taasi oo sida cad ka hor imanaysa shuruucda caalamiga ah iyo ta Somaliland-ba.
Xadhigga lala beegsanayo dadka aan ku lugta lahayn arrimaha siyaasadda, waxa uu ka hor imanayaan shuruucda caalamiga ah, sida uu sheegayo Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale); “Xadhiga lala beegsanayo dadka aan doorka ku lahayn arrimaha siyaasadda, dambi faro-ku hayn a, laguna qaban argagixisanimo ama budhcadbadeednimo ee midna aan ku lug lahayn, waxa uu sawir ka bixinayaa inay dawladdu ku kacday xad-gudubyo ka dhan ah xoriyaadka aasaasiga ah ee shacbiga oo ku qeexan dastuurka dalka iyo xuquuqda aadamaha ee guud ee ku qeexan xeerarka Caalamiga ah iyo kan Qaramada Midoobay ee lagu balaysimay heshiiskii koowaad 24 october 1945 markii uu dhamaaday dagaalkii koowaad ee dunida”
Saleebaan oo ka mida Suxufiyiinta ka hawl-gala Somaliland, ayaa hadalkiisa ku daray “Dawladdu waa inay dadka u xidhan dambiyada aan caddeyn caddaalada ku caddeyso falalka loo haysto, iyagoo helaya eedeysanayaashu garsoor ka madaxbanaan fulinta iyo Qareenno si madaxbanaan ugu dooda, xataa hadii ay yihiin kuwo ay iyagu qabsadeen”
Xadhiga Qaasim Ismaaciil Xasan, oo wer-wer ku abuuraya shacabka Somaliland oo caddaalad u ooman, ayaa waxa cambaareeyay xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada dhallinyarada Somaliland, hasa-yeeshee xukuumaddu ilaa hadda way iska dhago-marinaysaa baaqyadooda. Xadhigga uu Wasiir Cali Warancadde sida shaqsiga ah ugula kacay Muwaadinkan, ayaa shaambad iyo fadeexd ku noqonaya xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxaana rayul-caamku halkaasi ka qaadan karaan sawir ah heerka caddaalada Somaliland gaadhsiisan tahay.
Khadar H.Hussein
Hargeysa JSL