Khilaafka Wer-werka Mucaaridka, Walaaca Muxaafidka, Su’aalihii Xaaji Cabdikariin (Cabdi-waraabe), Difaacii Madaxweyne Siilaanyo iyo filashada qaararka jimcaha
Hargeysa(GNA)-Ergada Guurtida ee Dhexdhexaadinaysay Khilaafka Golala Wakiillada ayaa sida la sheegay xalay Qasriga Madaxtooyada ku soo khatimay kulamadii ay la yeesheen labada garab loolanku ka dhexeeyay iyo dhinacyada kale ee faraha ku jiray kala-qaybsanaanta Golahaas, maantana ku dhawaaqaan Natiijada dhexdhexaadintooda
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ergada teer iyo markii ay howsha dhexdhexaadinta guda-gashay sabtidii la soo dhaafay ee ay rabshaduhu ka dhasheen talaabadii xukuumaddu Ciidanka ku dul-dhigtay Xarunta golaha, wakhti dheeraad ahna ku darsaday muddadii ay qabsadeen bilowgii hore. Hase-ahaatee sida uu Wargeyska Yool ka soo xigtay ilo-wareedyo xogogaal ah, kulankan ayey Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golihiisa xukuumadda kaga wareysteen asbaabihii keenay in Ciidanka la dul-dhoobo Golaha, xadhigii Xildhibaanada cidda amartay iyo arrimo kale oo badan.
Ilo-wareedyadu si faahfaahsan umay iftiimin mowqifka Madaxweyne Siilaanyo ka istaagay ku lug-lahaanshiyaha arrimaha wax laga waydiiyay, waxaase la xusay inaanu bixin jawaab qiraal ah oo arrimahaasi ku taxaluqda.
Geesta kale, sida ay sheegayaan Ilo-wareedyada aanu henlay, Ergada Guurtidu, ayaa lagu wadaa inay maanta Madal ka baxsan Goleyaasha Baarlamanka oo ay goob-joog ka yihiin labada dhinac ama ka maqanyihiinba , kaga dhawaaqaan go’aamo ay ku soo afjarayaan Xiisadaha golaha Wakiillada, maadaama ay Sabtida Berri ku beegantahay wakhtigii ay mar labaad u cayimeen furitaanka Fadhigii baaqday Sabtidii hore ee Wakiilladu.
Wararka Qaar la xidhiidha wakhtiga kama dambeysta ee Guurtidu shaacinayaan go’aamada, ayaa tilmaamaya inay maalinta sabtida kaga dhawaaqaan furitaanka Fadhiga golaha labada dhinac hortooda,sidii ay horaantii sanadka khilaafkii wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka golahaas ka dhashay ugu yeedhiyeen fadhi caadi ah.
Ilaa hada Ma jirto cid aan ahayn xubnaha Ergada oo si dhab u og go’aamada Miiska saaran ee ay ku dhawaaqayso ergadu, hase-yeeshee waxa dareen laga qabaa inay soo baxaan qodoboQaraarka ku jira oo ay wadnaha farta kaga hayaan labada dhinac ee wakiilladu in lagu kediyo, kuwaasoo meesha ka saaraya mabaadi’dii ay kala wateen ama isku mari la'aayeen.
Tusaale ahaan Guddoomiye Cirro iyo Mudaneyaasha la safan, ayaan u riyaaqi doonin hadii ay ergada Guurtidu qarraarkooda ku soo jeediyaan in Golaha wakiillada dib loogu soo celiyo Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga iyo Codbixiyeyayaasha, ka hor intaan la hor-dhigin Mudaneyaasha Golaha Guurtida, taasoo hadii ay dhacdo uga baqo qabaan inay xukuumaddu fursad u hesho in lagu qodobo gogol-xaadh u noqon kara muddo kordhin, hadii dib-dhac doorasho laga fursan waayo, si eedda, uguna moosto Guddoomiyaha Wakiillada iyo xildhibaanada mucaaridka ee sida ay rabtay xeerka uga ansixiyay, iyadoo maanka haysa laba arrin dartoodba ku heli karto aqlabiyada Golaha hadii xeerku soo noqdo.
Kuwaasoo kala ah:- Kalsoonida ay ka qabto Xildhibaanada Xisbul Xaakimka iyo ta kale oo ah, muddo kordhinta Kordhinta loo sii dariiq-xaadhayo oo aan ku koobnayn Xukuumadda oo qudha, balse Golaha Wakiillada-na wakhti dherersi kale siinaysa, maadaama oo ay labada doorasho isa-saaranyihiin ama isku mar la qabanayo, sida xeerka ku xusan.
Xildhibaanada Muxaafidka, ayaa geestooda ka wer-wersan in duqeyda Guurtidu ku taliso in Xeerka muranka dhaliyay, uu u gudbo Golaha Guurtida, iyadoo aan dib loogu celin gollohooda, isla markaana uu maro jar-jarada saxda ah ee ay labada aqal isu waydaarsadaan Shuruucda, taasoo iyaduna caqabad weyn ku ah qorshaha ay xukuumadda wada wataan ee Loolanka ku dhalisay.