Waxa hirgalintii dimuqraadiyada halkii ka sii qaaday mudane daahir riyaale kaahin oo doorashoon is daba jooga dalkan ka dhigay isagoo intii uu maamulka ku jiray la kulmay cagabado badan hoo ay u dhigayeen mucaaridkii isaga ka soo hor jeeday ee uu hogaaminayay muj axmed Maxamed maxamuud silayo oo aad uga waayo aragsanaa mana ay jir waxa lagu mucaaridaa ee waxa wakhtigaa la mucaaridayay nidaamkii dawlada ee socday oo loo arkayay mid qaldan oo dawladaa riyaale wado waana ta maanta hortaagan madaxwayne siilaayo ee uu ka gudbi kari laayahay hadii aada dadka u fiirsato waxa ay ku odhanayaan dawladii riyaale ayaa dhaanta xaga qabyaalada laakiin waxa la arki karaa horumar lataaban karo in lagaadhay markaad dhinac ka eegto laakiin dhanka kale Waxaad arkaysaa wasiiro xakamah koostay oo aad is odhankarto madxwaynuhu ma hogaamin karayo wasiiradisa,wasiiradaasi waxay yidhaahdaan qabyaalada haladaayo hadan madaweynaha waxay ku yidhaahdaan madaxweyne waa kan reerkii ku difaaci lahaa s idii uu wasiir cukusi ka lahaa markuu madaxwaynahu furayay shantii kiiloomitir ee wadada cad ee isu xidha salaxlay iyo hargaysa isa aad ayuu kalmadaa uu wasiirku yidhi loogu raaxaystay .
Aaan u gunda dago u jeedada maqaalkaygan oo ah mid aan uga socodo wasiirada dhawaan isugu yeedhay beesha ay ka soo jeedan 17/11/2014 shirkaas oo ka dhacay hutelak guuleed beesha sacad muuse loogu sheegayay waxa ay hore u ogaayeen uu madaxweynaha dalku cadeeyay inuu musharaxyahay iyo waliba shaqsiyaadkii sida wayn ay madaxwaynaha isu hayeen loolan adagina ka dhexeeyay mujahaad muuse bixi Cabdi uu isaguna sheegay inuu madaxweynuhu u yahay musharax madaxweyne mudane axmed Maxamed maxamuud silaayo shanta sano ee soo socda xisbiga kulmiye dhexdiisa odayaashii iyo beeshii sacad muuse ee halkaa laysugu yeedhay habeenimadii ka horaysay waxa loo sheegay in wasiirka wasaarada arimaha dibadu hankiisii oo bandhigi doono isaguna isugu yeedhay beesha aad ayaa arintaa loo ga yaabay oo waxa lays yidhi m/daxweyne siilaayo muxuu u jeedaa ee uu doonayaa markay wasiiradiisii sidaas leeyihiin hadan markii shirkii la tagay wasiiradii waxay la yimaadeen inay yidhaahdaan waxaanu idiinku yeedhnay inaan idiin sheegno in madaxweyne axmed yahay musharaxa madaxweynaha xisbiga kulmiye dhexdiisa shanta sano ee soo socota markuu haakah yidhaah ayaanu anaguna sharaxanahay arintaas dadkii waxa ka soo hadhay amakaag iyo dhabana hays la garan waayay u jeedada ka danbaysa madaxweynaha ma sacad muuse ayaa ku haystay bal adba laakiin sidaan maqalay waxaa jiray in beesha sacad muuse gudidii ay ku dooratay shirkii hoodaale ay u yeedheen wasiir wasiirada ka mida ah si ay ula kulmaan si tol nimo ah ama cidi ha ka cabato ama si kale ha u doonaane tiina ay dhashay in inta mikirifoon la qabsado la yidhaah anagu kuma haysano madaxweynaha meesha ee waa layaqaan ku wa ku haysta iyo afmiishaarada suuqa la wareegaya shirarka may qabanayn erayadaasi beeshii iyo waliba gudidii beeshu dooratay waxaan filayaa arintaa in loola jeeday si xukuumada iyo beesha sacad muuse loo kal fogeeyo iyo waliba ganacsade ina awsiciid oo beesha u ah dhalaf dhabar aad u qaaliya oo beesha ka bad baadiyay inay gumoowdo balse wasiirada waxaan leeyahay ina waad isu gafteen beeshana waad ku gafteen madawayne siilaayo na waad ku gafteen hore ayaad haakah noogu sheegteen .
Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli
Gabilay,Somaliland
Email: aadanswali@live.com