Saturday, November 8, 2014

Xukuumadda Somaliland oo Xoog Kula wareegtay Guri ay hore uga iibisay Mulkilaha Horn Cabletv

GURIGA INAHargeysa(GNA)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa saaka la wareegay Guri ay hore Dawladdu uga iibisay, balse hadana lagala noqday Mulkilaha Telefishanka Horn cable Farxaan Xaaji Cali, kaasoo ku yaalla Xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa.

Talaabadan ayaa ka dambeysay dhowr maalmood uun kaddib markii wareegto ka soo baxday Wasaaradda Howlaha guud lagu amray inuu Gurigaasi kaga muddo todobaad maalmood ah.

Guriga ayaa saaka ciidan la geliyay iyadoo aanay wali qoysku ka guurin oo ay isu diyaarinayaan inay baneeyaan kaddib amarka xukuumadda ka soo baxay.

Sida ay Goob-joogeyaal u sheegeen Gobanimonews ciidanka ayaa guriga xoog ku galay oo si fool xun u galalafay, taasoo muujinaysa awood sheegasho iyo xad-gudub ka dhan ah Muwaadinka.

Farxaan Xaaji Cali ayaa la sheegay inuu Khamiistii ina dhaaftay si rasmiya u aqbalay inuu guriga uga guurayo, balse loo celiyo wixii hanti ka gashay dib u dhis balaadhan oo uu ku sameeyay markii lagu wareejiyay sanad hor gurigan.

Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore si cago juglayni ka muuqato u amartay in 7 maalmood gudahood lagaga baxo toban Guri oo ay ku jiraan dad shacab ah, kuwaasoo ay hore uga iibisay, hase ahaatee ay sababta loogaga noqday ku tilmaantay heshiis fulin la’aan ka timi dhinacyadii guryahaas laga iibiyey.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com