Dilla(GNA)-Duqa Degmada Dilla iyo Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Degmadaas ayaa la sheegay inuu gacan ka hadal dhex maray Khamiistii la soo dhaafay, iyagoo sugan meel suuq ah oo ay shacab badani joogaan, kaddib markii ay isku maan-dhaafeen Olole qashin Uruurin ah oo ay magaalada dhexdeeda ka waday dawladda hoose.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inay labada Masuul gacanta isu qaadeen, balse ay kala qabteen dad shacab ah oo ka ag-dhawaa, kuwaasoo markiiba kala gaadhay. Goob-joogeyaasha qaar ayaa sheegay inaanay gacanta isla gaadheen, balse markii hadalku ka duulay la kala dhex galay.
Khilaafka ayaa yimi kaddib markii Maayirku canaan ugu jeediyay xoghayaha qashin Magaalada dhexdeeda yaallay oosida Qorshuhu ahaa Gaadiidka lagu qaadayaa aanu wali soo gaadhin, kaasoo ku doodday sababta looga qaadi waayay magaalada dhexdeeda, canaantaasoo xoghayuhu kaga jawaab celiyay in meesha loo dhigay si loo qaado oo aan laga tagayn.
Labada Masuul ee xurguftu ku dhex martay howl-maalmeedka shaqo ee ay gacanta ku hayeen, ayaa iyaguna Gobanimonews u sheegay inaan dagaal gacan ka hadal ahi dhex marin, balse waxay qireen labadooduba inay howsha socotay isku canaanteen, markii dambena ka heshiiyeen.
“arrintu wax sidaas u weyn may ahayn shaqadii socotay ayuunbaanu isku yara khilaafnay xashiishka magaalada dhexdeeda yaala maxaa looga qaadi waayay iyo waa loo soo socdaa, laakiinse wax weyn oo la sheegaa meesha muu oolin, intiina waan ka heshiinay, waanu iga raali geliyay maayirku oo xafiiskiisa ayaaban wada joognay” sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Xoghayaha Dawladda hoose ee Dilla Carab Cabdilaahi Xaaji Obsiiye oo aanu Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga waydiino.
Xoghayaha ayaa meesha ka saaray in Khilaafkooda intaas wax uga hooseeyaan, beeniyayna warar dadka qaar soo tebinayeen oo sheegaya in ismaan-dhaafkoodu uu ka sekow dhacdadan isu keentay shalay salka ku hayo arrimo lacageed iyo mid maamul. “wax hore oo jiray haba yaraatee may jirin intan yar waanaga ka heshiinay”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Geesta kale, Maayirka Dawladda hoose ee Dilla Ibraahim Cabdi oo aanu isagana la xidhiidhnay, ayaa cadeeyay inaan wax mushkilad ah oo hore ka dhaxayn isaga iyo Xoghayaha, “afar sanno ayaan ninkaa Xoghayaha wada shaqaynaynay mar qudha wax khilaaf ahi nama dhex marin, dibna nooma dhex marayo, waxan yar ee la sheegayaana wuxuu ahaa canaan shaqadii socotay uun ku kooban. Xashiish meel Suuqa ah yaallay ayuunbaan idhi maxaad isaga loogu horayn waayay qaadistiisa, tii uunbaanu isku canaannanay annagoo gaadhigayga wada saaran, markiibana waanu ka heshiinay” ayuu yidhi.
Duqa Degmada Dilla, ayaa Ibraahim Cabdi wuxuu intaas ku daray inay maamul ahaan isku duubni iyo wada jir ku fuliyaan howlaha, sidaana shaqada ku soo wadeen intii ay xilalka hayeen, isagoo dhanka kalena ka warbixiyay mashaariic degmada laga fuliyay muddooyinkan dambe.
“Mashaariic badan ayaa ka fulay degmada, waddooyin ayaanu samaynay”. “ waxa kale oo aanu banaynayn meel magaalada dacalkeeda ah oo la dejiyay Dadkii qaxoontiga ahaa, waxa kale oo aanu kaalin mug leh ka qaadanay Riig cusub oo Magaalada laga qoday oo biyaha ay ka cabi doonto magaaladu” ayuu yidhi.