Saturday, November 8, 2014

Baaq Taageero ah oo ku socda Shirweynaha Beesha Muuse-dhariyo

baaqAnigoo Ka Mid Ah Ururka Dhalinyarta Beesha Muuse Dhariyo Waxaan Taageero Hiil Iyo Hooba La Garabtaaganahay Baaqa Ka Soo Baxay Salaadiinta Iyo Waxgaradka Beesha Muuse Dhariyo Wayn.Waxaanan U Aragnaa Baaqaasi In Uu Ku Soo Beegmay Wakhtiigii Loo Baahnaa, Waxaan Marlabaad Taageero Iyo Hambalyo Hawda U Marinayaa Cidkaste Oo Ka Qayb Qaadatay Sidii Shirwayne Beesha Muuse Dhariyo U Qabsoomi Lahaa Waxaanan Mahad Gaara U Diraynaa Suldaanka Guud Ee Beesha Muuse Dhariyo Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaail Qurbaan Odhan Karo Way Ka Soo Baxeen Wixii Loo Igmaday. Waxaan Si Gaara Fariin Ugu Diraynaa Dhamaan Aqoonyadanadka, Waxgaradka ,Salaadiinta, Culimadka ,Dhalinyarada Iyo Haweenka Inay Xil Wayn Iska Saaraan Sidii Shirkaasi U Qarsoomi Lahaa.

Suldaanka Guud Ee Beesha Oo Aan Runtii Ku Sifayn Karno Halgayay U Istaagay In Uu Badbaadiyo Taariikhda Ay Lahayd Beesha Muuse Dhariyo Waa Suldaanka Kaliya Ee Aan Maanta Odhankaro Waxaa Ku Jirta Xikmad ,Geesinimo Iyo Codkornimo Ilahay Ku Manaystay.Wuxuu Ka Run Sheegaa Suldaanimadiisa Iyo Xilka Uu U Hayo Umadiisa Taasi Oo Uu Diiday Wixii Sumcad Xumo Iyo Karaamo Dhac Ku Ah Beesha Muuse Dhariyo .

Dhinaca Kale Waxaan Iyaga Hanbalyo Gaara U Dirayaa Dhamaan Bulshawaynta Beesha Ee Gudaha Ku Nool Ee U Istaagtay Shirka Beesha.Waxaanan Ugu Baaqayaa Qurba Jooga Inay Ka Soo Qayb Galaan Shirkaasi Ay Iclaamiyeen Salaadiintu.

.Guntii Iyo Gabadii Waxaan Leenahay Ilahaow Tolkayo Waafaji Sida Khayrku Ku Jiro. Tolkayga Waxaan Leeyahay Guul Iyo Gobonimo

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com