Howl-galkan Dawladdu Ciidanka u adeegsatay ayaa dhacay 8/11/2014 oo ku muddaysnayd, taariikhda kama dambeysta ah ee ay Wasaaraddu u qabatay in lagu faaruqiyo guryahaasi, balse waxa ciidanka amar lagu siiyay inay Galalafaan Guriga Farxaan Xaaji Cali, Mulkilaha Horncable TV oo ay xukuumaddu si gaar ah u qaniinsantay, una doonayso marmarsiiyo ay u hesho si ay talaabo ugu yaraan uu xadhig ku mutaysato ugu qaado.
Gurigan oo Muwaadinka laga saaray Xaas iyo Carruuri u degenayd, isla markaana hore ay xukuumaddu uga iibisay, hadana ay kaga noqotay bishan gudaheeda, iyadoo cadaadis ku saaraysa inuu joojiyo Barmaamujyada iyo wararka Telefishankiisa laga baahiyo ee Mucaaridka ah, ayuu si nabad-gelyo ah uga guuray, furihiisiina ugu wareejiyay ciidanka markii lagu waaberiistay, isagoo Hudheel u kireeyay qoyskiisii, sida ay Wargeyska Yool u xaqiijiyeen dad dhacdadan xogogaal u ahaa.
Geesta kale, dawladda ayaan wax ciidan ah dul-dhigin dadka kale ee ku jira Guryaha kale ee todobaadkii hore xukuumaddu amarka ku bixisay in laga baxo ugu dambeyn siddeeda Bisha November, kuwaasoo loogu hanjabay in wixii ka dambeeyana talaabo laga qaadi doono, halka Farxaan Xaaji Cali lixdii subaxnimo Kolanyo ciidanka RRU-da ah lagu eekeeyay.
Inta uu wargeyska Yool ka war-helay tobanka qof ee Guryaha Dawladda laga saarayay, waxa shalay la weeraray Guriga Farxaan Xaaji Cali ku jiray oo gabi ahaanba dibada laga dhigay wixii Hu iyo Hanti kale u dhextaalay iyo Dhismaha ay ku jirtay Shirkadda Toyota Merrill oo ay iyadana al-baabada u laabeen iyadana, halka dadka kale ee digniinta loo jeediyay aan talaabo laga qaadin howl-galkan shalay dhacay.
Waxaanay dadka qaarkii isweydiinayaan sababta handiddaadda loogu geystay Mulkilaha Horn-cabltv oo sida la rumaysanyahay xukuumadda Siilaanyo ku eryanayso go’aanka uu ku diiday inuu ugu Guul-wadeeyo Telefishankiisa, Ullo-booc ahna ay ugu tukubayso inay mar kale albaabada isugu dhufato xarumaha uu Telefishankaasi ku leeyahay Somaliland.
Geesta kale, talaabada shalay Muwaadinkan iyo kuwa kale ee aan qaarkood wali guryaha laga saarin loogu bilaabay gelellefka lagu baro-kicinayo, ayaa ku soo beegantay xilli ay Ganacsato gacan-saar la leh Madaxtooyada, ay u istaagtay Bogcado dawladdu leedahay oo ku yaalla baro istaraatiijiya, kuwaasoo qaarkood ay shalayba ka bilaabeen Binooyin cusub.
Balloodhadaas Hantida Qaran ah ee dadka la siiyey binnooyinka ka jeexdeen, isla wakhtiga uu socday gulufka kuwa la baro-saarayo lagu qaaday, waxa ka mid ah Dhulka dhismeyaasha hore laga dumiyay ee ku yaalla ka soo horjeedka Guriga Wasiirkii hore ee Howlaha guud Siciid Sulub oo uu dhisanayo Mulkilaha Shirkadda Baabuurta soo dejisa ee Shaybe Motors oo ka mid ah Ganacsadeyaasha ay Madaxweynaha isku-qoyska yihiin, kaasoo horena dhul dawladdu leedahay oo ku yaalla goobo muhiim ah la siiyay intii xukuumaddani talada haysay.
Dhinaca kale, sida uu Wargeyska Yool ka helay Ilo-wareedyo arrimahan u dhuun-daloola, waxa Guriga laga saarayo Shirkadda Baabuurta ee TOYOTA Merrill, la sheegay in la siinayo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo, halka kuwa kalena ay Kawaanka u yaallaan dad lagu naas-nuujinayo oo ka mid ah Taabiciyiinta Xukuumadda.
Dhanka kale, siyaasiyiin, Madaxdhaqameedyo iyo dad kale oo ka mid ah Indheer-garadka Bulshada Somaliland ayaa si kulul cambaareeyay talaabada lagu baro-kiciyay Mulkilaha Horn cabletv iyo dad kale ee Gefka lagu sameeyay la wadaaga. Waxaana ka mid ah masuuliyiinta dhaleeceeyay arrintaas ka mid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa iyo Isin-dhaqameedyo ka hadlay Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco arrintan ku tilmaamay mid dalka fidmo lagaga abuurayo.
Source: Yool