Xubno Dhalinyaro ah aan tiro-koob rasmiya lagu haynin ayaa la xaqiijiyey inay Ciidanku ka qab-qabteen dhowrkii habeen ee ugu dambeeyay Xaafadaha Bariga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Laba ka mid ah Ragga dhalinyarada ah ee loo xidhay inay abaabulayaan Shirka dhalinyarada Somaliland ee Caddaadley ayaa habeennadii Khamiista iyo Jimcaha laga soo qabtay Xaafadaha New Hargeysa iyo Cabaaye, goor saqdhexe ah, inta loogu daatay Guryahooda.
Ka hor eedaankii salaada subax ee habeen, ayaa Ciidamada madaxa duuban ee RRU kala baxeen guri ku yaala xaafada New Hargeysa Qaasim Ismaaciil Xasan, kaasoo Laamaha ay Xukuumaddu u isticmaalayso cabudhinta xoriyadda shacbigu tuhunsanyihiin inuu ka tirsan qaban-qaabiyeyaasha Shirka Cadaadley ee ay da’yarta dalku isugu baaqaysay tan iyo bilihii la soo dhaafay.
Ma cadda qaasim inuu xubin ka yahay Guddida howshaasi ku foogan iyo in kale, balse warku wuxuu intaa ku daray inay Ciidanku far iyo Suul ku qaateen isagoo Gurigooda iska hurda oo aan habayaraatee wax abaabula gacanta kula jirin.
Geesta kale, waxa la sheegay inay Khamiistii C.I.D-du dib u taxaabeen Nin hore ugu shaqayn jiray Wakaallada Korantada dawladda ee Hargeysa oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii loo soo xidhay inuu yahay Guddoomiyaha Ururka Jiidali, balse markii uu noqon waayey la iska soo-daayay, kaasoo hadana ay C.I.D-du dib u xidhay kaddib markii Taliska Ciidanka Sirdoonka gobolka Maroodi-jeex ku dooday inuu Guddoomiyaha jiidali yahay oo ay C.I.D-du si badheedh ah u sii daysay.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdi Oodowa, ayaa ciidanka dambi baadhista lagu khasbay inay dib u soo xidhaan, kaddibna Khamiistii dib loogu soo taxaabay Saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa oo maalin ka hor laga sii daayay.
Mr Odowaa ayaa sida la sheegay ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Korantada ee KAAH, lama oga sababta ka dambeysa in dib loo xidhay maadaama markii hore sida Dambi-baadhistu ku andacootay lagu khalday Guddoomiyaha ururka JIIDALI oo aanu ahayn. “inta habeen sii horaysay la soo qabtay ayaa la ogaaday inaanu ahayn Gudoomiyaha Jiidali oo la moodayay, deedna waa lasii daayay kadibna muxsin ayaa ku eedeeyay C.I.D in uu ahaa isagii oo ay ogaan u sii daayeen markaasaa hadana khamiistii lasoo xidhay” sidaasi waxa GNA u sheegay mid ka mid ah Dhalinyarada xogogaalka u ah Xadhiga Mr. Odowaa.
Geesta kale, Ma jiro wax war ah oo gabi ahaanla la xidhiidha dhacdooyinkan oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Bilayska Somaliland, kaasoo sharaxad ka bixinaya gulufka lagu Ugaadhsanayo dhalin-yaradan aan inta la ogyahay wax dunuub ah faraha kula jirin ee Guryahooda loogu daadanayo.
hase ahaatee waxa la tilmaamayaa inay talaabadani qayb ka tahay cago-juglaynta iyo cabudhinta dalka oo dhan ka socota ee lagu bartilmaameedsanayo qof kasta oo codkiisa laga maqlo qasriga madaxtooyada oo haatan u nuglaaday dhaliilaha uga imanaya Bulshada rayidka ah.
Shirka Cadaadley oo ay qabanqaabinayso dalad ay ku Midoobeen Dhalinyarada Somaliland ee Bari ilaa Galbeed, ayaa taageero ka haysta mujtamaca Somaliland intii badan, siiba dhalinyarada oo ah kuwa ugu cudduda balaadhan qaybaha bulshada, isla markaana ay adagtahay in ciidan laysku hortaago arimaha ay hormuudka ka yihiin.
Waxaase muuqata inay xukuumaddu ceeb uga dhici doonto hadii aanay joojin talaabooyinka bartilmaameedsiga ah ee ay bilowday oo soo dedejin kara kacdoon culus oo xaalada uga sii dari doona.