Burco(GNA)-Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Degmada Gar-adag ayaa si kulul cambaareeyay Xukunka deg deg ah ee lagu fuliyay Muwaadiniin todobaadkii hore lagu xidh-xidhay deegaankaasi.
Kulan balaadhan oo ay Axadda Maanta isugu yimaadeen Magaalada Burco, ayaa waxgaradku ka soo jeediyeen baaq culus oo ay u direen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay si dhakhso ah xoriyadooda ugu soo celiso Dadkan rayidka ah.
“ Ma Moorada ayaa qabatay Dadka Maxkamadda Deg deg ah la saaray”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah waxgaradka Munaasibada hadlay oo si adag u dhaleeceeyay xadhiga iyo xukunka lagu fuliyay dadkaasi.
Muj. Mustafe Cabdilaahi Cali oo isna shirkan jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay “waxay ku xidhanyihiin dadkaasi dulmi, dulmibaa lagu haystaa, kuna haysan mayaan”ayuu yidhi.
Dad tiradoodu gaadhayso 7 Ruux oo Rayid ah ayaa todobaadkii xukun deg deg ah lagu qaaday, kaddib markii ay Bilaysku qabqabteen iyagoo dibad bax selmi ah cabasho ku muujinaya.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com