hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani 23 Sanadood Ku Soo Caano Maaley
Hargaysa(GNA).Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 03/11/2014 uu War Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah isla Markaana Sharci Darada Ah ee Marlabaad loo geestey Wariye Maxamed C/laahi Faarax (Soo Fadhiiste) Isaga Oo Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Ee Gobolka Saaxil Gudanaya
Ayaa Ciidamada Booliska (policeka) Ee Gobolka Saaxil Xabsiga U Taxaabeen Marlabaad Maanta
Iyada Oo Uu Amarka Bixiyey Basaabka Gobolka Saaxil ( Fahmi Cabdi Bidaar)
Waxaa Sidoo KaleWali Sifo Sharci_Daro Ah Ku XidhanLabadii Wariye Ee Badhasaabka Gobolka Gabiley Ee Kala AhaaMukhtaar Nuux Ibraahim Iyo Maxamed Xasan (Juba )
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani 23 Sanadood Ku Soo Caano Maaley
Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney Mar Walba
Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaana Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land, Ee Malin Walba Lagu Xidh-xidhayo Wariyayaasha Madaxa_Banaan
Xadhigaa Sharci- Darada Ah Oo Soo Noq noqonayey Intii Xukuumadani Talada Haysey,Sidoo kalena ay ka Dhigatey Xadhiga Wariyayaasha Wax Iska Caadiya ayaa Hadii ay Sii Socoto Waxa ay Wax Yeeli Doontaa Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka Aynu La Leenahey Bulshada Caalamka,
Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Hab Dhaqankan Soo Noq noqdey Ee Ah Cabudhinta,Cago- Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada,Jidh Dilka iyo XadhigaEe Ay Ku Hayso Saxaafada Madaxa Banaan JSL
Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Wariyayaasha Madaxa Banaan Ee Sifaha Sharci-Darada Ah Lagu Xidh)_Xidhey Wariye_Mukhtaar_Nuux_Ibraahim Wariye Maxamed Xasan Juba Iyo Maxamed C/laahi Faarax (Soo Fadhiiste)
Saxaafada Madaxa_Banaana Waxaanu Ugu Baaqeynaa In Ay Isu Hiiliyaan iskuna Xidhnaadaan Una Midoobaan Xukuumada Talada Haysa Oo Sifo Sharci Daro Ah Ku Xidh Xidheysa Maalin Walba
XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID
YUUSUF KAYSE ALL/AHI
………………………
- See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=142795#sthash.YBuhP4BM.dpuf